Kenya oo lagu dilay 7 ruux oo rayid ah 17 Jan 17, 2013 - 7:03:29 AM
Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari iyo Xeryaha Qoxootiga Kenya Dhadhaab ayaa waxaa siyaabo kala duwna loogu dilay 7 qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan saraakiisha Dowlada Kenya.
Weerar ka dhacay xalay Hoteel ku yaalla Magaalada Gaarisa ayaa lagu dilay 5 qof oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada Xabsiyada Kenya iyadoo la dhaawacay 3 qof oo kale.
Kooxaha weerarka geystay ayaan la ogeyn cid ay ka tirsan yihiin, iyadoo booliiska Kenya ay sheegeen in kooxaha weerarka geystay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo tan iyo Sanadkii hore weeraro ka geysanayay dalka Kenya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay wateen hub kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha daran-dooriga u dhaca, iyadoo kooxahaas ay goobta si nabadgalyo ah uga baxeen.
“Weerarka waxaa geystay xubno Al-shabaab ka tirsan” ayay yiraahdeen sarkaal ka tiran Booliiska Kenya oo saxaafada, iyadoo weerarkan uu noqnayo kii ugu horeeyay oo sanadkan ka dhaca Muqdisho.
Dhanka kale, Qarax Maanta ka dhacay Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo la sheegay inay ahaayeen kuwo miino ku xirayay xerada Xagardheer ee dalka Kenya.
Booliiska Kenya waxay sheegeen in weerarkaas la doonayay in dhibaato ciidamada Amaanka Xeryaha Qoxootiga Kenya, iyadoo aysan jirin koox weli sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas.
Ugu dambeyn Booliiska Kenya ayaa waxay dhowr jeer oo hore sheegeen in ay ka hortagayaan kooxaha falalka amaandaro kawada gudaha dalka Kenya gaar ahaan xeryaha Dhadhaab oo ah kuwa ugu weyn Dunida.