|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
8 Feb 8, 2012 - 7:39:30 AM
|
GAROWE ONLINE
Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaalkii maanta 8,Feb ,2012 deegaanka Sool-joogto ee Buuhodle ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo deegaanka ah,kaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba ay ka dhasheen.
Khadar Cabdi Taleexi oo ka tirsan masuuliyiinta ciidamada deegaanka Buuhodle oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay kaga dhinteen dhankooda 5-nin halka 12-na ay kaga dhaawacmeen,wuxuuna xusay inay dhanka Somaliland ay ka qabsadeen laba talis oo ay ku lahaayeen aagaga lagu dagaalamay.
Khadar waxa keloo sheegay inay ka qabsadeen afar gaari oo kuwa dagaalka ah iyo qoryo gacanta lagu qaato,maxaabiista ay qabsadeen waxa ku sheegay 6 nin oo qaarkood uu tilmaamay in la qabtay iyagoo dagaalamaya.
Xaaladda deegaanada lagu dagaalamay ayaa wararka aanu ka helaynaa ay sheegayaan inuu ka jiro diyaargarow dagaal,iyadoo labada dhinacba ay guramad helayaan.
Weerarada ciidamada Somaliland ay Buuhodle ku soo qaadayaan ayaa bilawday 15,janauray,2011,waxaana xilligaasi intii ka danabasay dhacay saddex dagaal oo khasaare xoogan lagaarsiiyey ciidamada maamula Silanyo.
Halkan ka dhageyso waraysiga Cabdiqani Irbad la yeeshey Khadar
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|