Kooxo ka fariistay Burcad-badeednimo 10 Jan 10, 2013 - 10:15:21 AM
Kooxo Burcadbadeed ah ayaa kaga dhawaaqay Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud inay ka tanaasuleen ka mid ahaanshaha kooxaha burcadbadeeda ah, iyagoo sheegay inay sameysan doonaan ganacsiyo iyaga u gaar ah.
Maxamed Cabdi Afweyne iyo kontomeeyo burcadbadeed ah ayaa sheegay inay ka laabteen go’aankoodii hore oo ay Muddo shan sano ah soo wadeen, iyagoo sheegay in tanaasulkooda uusan lug ku lahayn howlgalada lagula dagaalamayo Burcadbdeeda ee ka socda xeebaha Soomaaliya.
“Go’aankan waxaan qaadnay markii muddo badan ay nala hadlayeen wax-garadka iyo culumada deegaanada aan kasoo jeedno ee Gobolada dhexe, sidoo kale waxaan dareenay dhibaatad ay burcadbdeednimadu leedahay” ayuu yiri Afweyne.
“Anagu markii hore waxaan ahayn kaluumeysato, markii dhibaato naloo geystay ayaan go’aan ku gaarnay inaan iska difaacno kuwa dhibaatooyinka nagu hayo, waxaana howshii aan wadnay ay isku bedeshay burcadnimo, taas ayaana keentay inaan tanaasulkan sameyno” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Munaasabada ay ragan kaga dhawaaqeen go’aankooda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socda Maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka jira degmada Cadaado iyo Waxgaradka deegaankaas.
Ugu dambeyn Hogaamiyahan wuxuu ugu baaqay dhalinyarada weli ku jira falalka burcadbadeednimo inay ka baxaan, si ay iyaguna u nabadgalaan dadkuna ay uga nabadgalaan.
Arintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili hakad weyn uu ku yimid falalka burcadbadeednimo ee xeebaha Somalia, kadib markii ciidamada Badda ee Puntland iyo kuwa calaamiga ah ay dagaal wadjir ah la galeen kooxaha burcada ah iyadoona dhowaan Markab xoog looga soo furety.