From Garoweonline.com

Wararka
Kulan qado ah oo ka dhacay Baladweyne
By
May 17, 2008 - 6:29:38 AM

Kulan qado sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimay ayay maanta yeesheen xubnaha maamulka cusub, kuwii hore ee ku sugan magaalada Baladweyne iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
 
Kulankan ayaa waxaa xubnihii ka soo qeybgalay ee dhinaca maamulka cusub kamid ahaa gudomiyaha gobolka Maxamad Axmed (Dhago-weyne), duqa magaalada B/weyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso), gudomiye-yaasha degmoyinka B/weyne, Bulo-burte, Jalalaqsi, taliye xigeenka qeybta booliska ee gobolka iyo gudoomiyaha Maxkamada sare ee gobolka Hiiraan, waxayna qadada kadib odayaasha kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa gobolka iyo sidii labada dhinac ay u wada shaqeyn lahaayeen.
 
Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Muuse Cilmi oo shir gudoominayay kulankaan qado sharafta ah ayaa waxuu amaan u soo jeediyay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo sidii ay ugu dhabar adeygeen wax ka qabashada xaalada gobolka dhowr iyo tobonkii sane ee dalka maamul la'aanta ahaa.
 
Gudoomiyaha B/weyne Saalax Yacqub oo isna ka hadlay qado sharaftaan loogu sameeyay odyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in maamulka gobolka iyo degmada ay ka shaqeyn doonaan sida ay raaliga ku yihiin umada degta gobolka cidna iskama weyna-siin doonto talo iyo wax qabad midii ay noo keenaan ayuu yiri Mr. Saalax.

Qado sharftii ka dhacday gobolka
Odaayasha dhaqanka oo qaarkood ka hadlay kulankaan ayaa sheegey in kooxaha dagaalka kawada gobolka Hiraan yihiin wiilshooda islamarkaana la hadli doonaan si loo ogaado waxa ay tabanayaan.
 
Gudomiyaha gobolka Hiiraan Maxamad Axmed Maxamad ayaa ugu dambeyn u hadlay maamulka ayaa sheegay in uu isaga u yimid sidii uu u badbaadin lahaa umada reer Hiiraan oo maanta ku jirto xaalada aad u qatar ah waxuuna odayaasha ka codsay in ay la sheqeeyaan maamulkiisa si taasi ay ugu sahlanaan lahayd waxuuna alan qaaday in uu wax ka qaban doono maamulkiisa arrimahan hada taagan oo ay ka mid yihiin sicir bararka qaraxa iyo qalqalka haysto umada reer hiiraan
 
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiraan
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiraan ayaa u sheegey dadkii ka soo qayb galey qado sharaftaa in xil wareejinta laga yaabo in ay dhacdo maalinta berri ah.

Ilyaas Guute, Garoweonline
B/weyne


http://www.garoweonline.com