Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Kulan nabadeed ka dhacay Bosaso


K ulan kan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Bosaso ee gobolka Bari ayna wada yesheen haweenka ku dhaqan magaalada iyo mas'uuliyin uu kamid yahay Madaxwayne ku xigeenka Dowlada Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka Amniga Yusuf Axmed Khayre, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulahi Axmed Jamac (Ilka-jiir), Wasiirka Maaliyada Dr.Faarax Cali Jamac iyo mas'uuliyiin kale waxana uu kulankani ku saabsanaa habka ugu haboon oo ay Haweenka uga qayb qaadan karaan sugida nabadgelyada iyo la shaqaynta ciidanka amniga.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland Cabdulahi Axmed Jamac (ilka-jiir) oo halkaasi ka hadlay ayaa si wayn hawenka ugu mahadceshay sida ay ugu heelan yihiin in nabad lagu soo dabaalo deegaanada Puntland taana ay tahay waxa kaliya oo ay dowlada Puntland u baahan tahay si looga hortago falalka amniga lidka ku ah ee ka socda meelo ka mid ah gobollada Puntland.

Wasiir Ilkajiir waxa uu sheegay in kooxaha rabshada wada ay dhabar jab ku tahay wadashaqaynta tooska ah ee dhex maraysa Dowlada Puntland iyo Shacabkeeda oo rag iyo haweenba isugu jira.

Kulankani oo ahaa  mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Amniga Gen Yuusuf Axmed Khayre.

Wasiirka ayaa ka hadlay xaalada uu iminka ku jiro Gobollada Puntland iyo marxalada kaliya ee looga gudbi karo isagoona taasi ku sheegay midnimo iyo iskaashi ay wada yeeshaan Dowlada iyo shacabka lana soo afjaro hadal haynta ah in Puntland aysan nabadi ka jirin.

Dhageyso khudbadaha mas'uuliyiinta halkaas ka akhriyeen.


RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us