Kulanka amniga ee degmada Galdogob 10 Nov 10, 2012 - 1:10:31 AM
GAROWE ONLINE
Degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa shalay galabta 8 November ,2012 waxaa ka dhacday xaflad balaaran oo looga hadlayey nabadgelyda sidii loo adkayn lahaa ayna ka soo qaybgaleen gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey iyo taliyaha qaybta booliska.
Ugu horayn shirkan waxaaa ka hadlay gudoomiyaha degmada Galdogob
Cabdulaahi Siciid Cismaan (Kaytoon) oo sheegay inay soo dhawaynyaan wafdiga
uga yimid xarunta gobolka Mudug.
Gudoomiyuha ayaa raali gelin
ka bixiyey shaqaaqo dhawaan halkaasi ka dhacday,wuxuuna sheegay in
degmada Galdogob ay ka mid tahay degmooyinka ugu muhiimsan
Puntland madaama ay soohdin ku taalo.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed
oo munisabdan ka hadlay ayaa sheegay inay degmadan ay soo gaareen ka dib
markay ka war heleen in halkaasi ay gaareen xubno ka tirsan Al-shaab.
Taliyaha
ayaa sheegay inay qabteen inta badan ragay ku daba-joogeen dadweynha
degmada Galdogob ayuu ku amaanay siday gacanta uga gaysteen qab-qabshada
xubnahan Argagixisda ka midka ahaa.
Cuqaal,culima'udiin iyana hadlay ayaa balan ku qaaday inay ciidamada
farta ugu fiiqayaan cid kasta amaanka khal-khalgelinaya,waxay keloo
amaan u soo jeediyeen ciidamada amaanka iyo gacanta ay ka gaysanayaan
adkaynta nabad gelyada degmada Galdogob.
Dhinaca kale odayaashi hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey hirgelinta nidaamka Asxaabta
badan oo Puntland uga guureyso Habkii hore ee Qabiilka wax lagu qaybsan jirey, iyagoona ka digey in la khalkhaliyi xasiloonida guud ahaan deegaanada Puntland.
Halkan ka dhageyso khudbadaha shirka amaanka degmada Galdogob