Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM
Wararka
La-haystayaal lala xiriiriyay qoyskooda


La haystayaasha Faransiiska ah ee lagu qabsaday doonida raaxada ee dhawaan lagu afduubay gacanka Cadan ayaa la hadlay gabadhoda, iyagoo u sheegay inay wanagsan yihiin.

Jean-Yves Delanne ayaa lagula hadalsiiyay gabdhiisa Alizée Delanne oo ku sugan Magaalada Tahiti ee dalka Faransiiska taleefoonada satellite-ka, waxayna sheegtay in aabaheed uu afka Faransiiska ku yiri: "Nous allons bien" oo macnaheedu yahay: "Waanu wanaagsanahay".

Alizée Delanne ayaa si weyn u darsaysay intii ay aabaheed la hadlaysay xaalada ay ku sugan yihiin isaga iyo hooyadeed, oo dhawaan lagu qabsaday doonida kuwa raaxada ah, taasoo lagu haysto xeebaha Eyl, waxayna xustay in waalidkeed ay nabad sheegeen ayna ku dul sugan yihiin doonida.

Gabadhan ayaa daboolka ka qaaday inay ula xiriir wayday aabaheed iyo hooyadeed lacag la'aan haysa awgeed, balse markii ay la hadashay ayay xustay inay weydiisay fariinta ay dirsanayaan, iyadoo jawaabta aabaheed argagax ka qaaday.

"Aabahay wuxuu ii sheegay in isaga iyo hooyaday ay kooxaha burcad badeeda ah ku haystaan doonida dusheeda, wuxuuna yiri wax walba way wanaagsan yihiin" ayay saxaafada u sheegtay Alizée; iyadoo intaas ku dartay:

"Cabsi weyn ayaa ila soo daristay, balse daganaan ayuu aabahay ii muujiyay, wuxuu sidoo kale ii sheegay in wax walba ay fiican yihiin, afduubayaashuna ay maqlayaan hadalkeeda".

Jean-Yves iyo xaaskiisa Bernardette Delanne waxay kooxaha afduubayaasha ah ku haystaan meel ku dhow Degmada Eyl, iyagoo ku afduubtay dooni raaxo oo laga leeyahay Faransiiska laguna magacaabo [Carré d'As IV] taasoo kasoo shiraacatay dalka Australia kuna sii jeeday Faransiiska.

Lamaanayaashaan isqaba ee lagu kala magacaabo Jean-Yves Delanne iyo Bernardette Delanne ayaa labaduba ah beeshin [Waayeel aan shaqeyn], iyagoo ka kala shaqeyn jiray Boostada iyo Bankiga, waxayna ku nool yihiin Magaalada yar oo lagu magacaabo Tahiti.

Shacabka Magaalada Tahiti oo fariisin soo gaarsiiyay warbaahinta Faransiiska ayaa sheegay in qalbiyadooda ay la jiraan qoyska Delanne, ayna rajenayaan in iyagoo nabad qaba si dhaqso badan ay u sii daayaan afduubayaasha Somalida ah.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Ciyarihii Gobollada oo ka furmay Garowe
R.Resource oo lagu xiriiriyey Burcada
Yusuf oo la kulmay Al-bashiir

Advertisement
  Click here to find the right student loan for you!

Puntland offers up a Range of possibilities

EDITORS PICK:

Islamists threaten attack if Kenya deploys troops
KISMAYO, Somalia Nov 20 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us