Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Laba weriye la masaafuriyay


Laba weriye oo u dhashay wadanka France ayaa maanta laga masaafuriyay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaso waxaana ragani ay xalay u hoydeen saldhig ay leeyihin ciidanka loo yaqaan SPU oo ku yaala magaaladda Boosaso ee xarunta gobolka Bari.

Ragani ayaa waxay ku socdeen safar dhinaca dhulka ah iyagoo watay gaari noociisu yahay Mark Two waxaana lagu qabtay Kontoroolka Galbeed ee magaaladda caasimada ah ee Garoowe iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Hargeysa.

Iyadoo habeenimadi xalay ahayd mar wax laga waydiiyay arrinta labada weriye Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muuse Axmed Saalax uu sheegay inay ragani diiden inay tagaan Hotel International Village ee magaaladda Bosaso taasna ay tahay sababta loogu wareejiyay ciidanka ilaaladda hey'adaha ee SPU iyagoo xalay u hoyday saldhiga ciidanka.

Balse maanta markii la masaafurinayay ragani ayaa waxaa ka waramay Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada Puntland Md. C/salaan Xasan Ducaale isagoo sheegay in ay xiriir la sameeyen safiirka France u fadhiya Kenya ayna ku heshiiyen in ragani loo tarxiilo wadankaasi Jabuuti.

Ragani la qabtay ayaa la sheegay inay u socdeen Deegaanka xeebta ah ee Eyl halkaasi oo ay doonayen inay barnaamijyo uga sameeyan Burcad badeeda iyadoo suxufiyiinta Reer Galbeedku badana soo gala Gobollada Puntland iyagoo sheegaya inay barnaamijyo ka samaynayan burcad badeeda.

Ma aha markii ugu horaysay ee saxafiyiin Ajaanib ah laga tarxiilo Gobollada Puntland waxaana maamulka Puntland hore u sheegeen in aanay saxafiyinta caynkaani oo kale ah aanay haysan ogolaansho shaqo iyagoo doonaya inay amar la'aan hawlohooda fushadaan.

Suxufiyiin faro badan oo Reer Galbeed ah ayaa ku soo qulqulaya Gobollada Puntland iyagoo aan soo marin qaabka dowliga ah waxaana jirta mararka qaarkood in Maamulka Puntland uu dib u celiyo suxufiyiinta oo sharci darro ku soo galay gudaha Puntland.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Tacsi: Marxuumad Xaawo Macalin (aun)
Silanyo oo Wasiiro magacaabay
Barlamanka Puntland oo xilka ka qaadey Xildhibaano

Advertisement
 

Somalia: The Dilemma of 'Peacekeeping' [Opinion]

EDITORS PICK:

Somalia: Al Shabaab and Galgala militants deny each other [report]
Somalia July 29, 2010 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us