Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa goordhawayd si rasmi ah ugu dhawaaqay Wasiiradda cusub ee Xukuumaddiisu ka koobnaan doonto.
Md. Siilaanyo oo shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada, waxa uu magacaabay labaatan (20)-Wasiir iyo lix (6)-Wasiir-ku-xigeen, kuwaas oo isugu jira masuuliyiin xisbigiisa KULMIYE ka tirsanaa iyo dad rayid ah oo qurbo-joog ku jiraan, isla markaana waxa xubno ka ah saddex dumar ah.
Haddaba, qoraalka Madaxweynuhu soo saaray ee uu ku magacaabay wasiiradda cusub waxay u qornayd sidan;
Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah; Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
Wasaaradda Maaliyadda; Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta; Dr. Sacad Cali Shire.
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Xuseen Axmed Caydiid.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; Samsam Cabdi Aadan.
Wasaaradda Caafimaadka; Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog).
Wasaaradda Gaashaandhiga; Axmed X. Cali Cadami.
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska; Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga; Dr. Axmed Xaashi Oday.
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
Wasaradda Caddaaladda iyo Garsoorka; Prof. Ismaaciil Muumin Aare.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta; Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Ilhaan Maxamed Jaamac.
Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha; Dr. Maxamed Yaasiin Xasan.
Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta; Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.
Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalliyarada iyo Dhaqanka; Maxamed Xaashi Madar.
Wasaaradda Beeraha; Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.
Wasaaradda Duulista iyo Hawada; Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasaaradda Warfaafinta; Cabdillaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire).
Wasiir-ku-xigeenada
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare; Cali Caamud Jibriil.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Maxamed Yoonis Cawaale.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Cismaan Garaad Soofe.
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Cali Cabdi Saa’iq
Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda; Warsame Siciid Cabdi.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka; Nimco Xuseen Qowdhan.”
Tiradani (20-Wasiir) waxa ay noqonaysaa tiradii ugu yarayd ee wasiiro ee uu magacaabo Madaxweyne Somaliland ahi, waxana inta badan xubnahani yihiin kuwo uu wajigoodu cusub yahay.
GAROWE ONLINE