MSF oo isaga baxday Galguduud 17 Jun 17, 2012 - 6:09:45 AM
Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduuda lahayn ee MSF ayaa maanta 17 June,2012 ka baxday qaybo ka mid ah gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusuna, iyadoo maamulka Ahlusunna ay ku tilmaameen talaabadan mid aad looga xumaado.
MSF ayaa xirtay dhamaan xafiisyadii ay ku lahayd degmada Dhuuso-Mareeb iyo deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud, balse waxay mas'uuliyiinta Hay'addu sheegeen inay caawiyaan Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel ku yaala.
Madaxa Xiriirka Arimaha Bulshada ee Ahlusuna Cabdiweli Xaaji Diiriye ayaa sheegay in dhow jeer oo hore ay hay'adu sheegtay inay ka baxayso gobolka, balse ay iyagu ka dalbadeen inay kasii shaqeyso, goa'anka ay maanta uga baxeena uu yahay mid iyaga u gaar ah.
Warbixinay Hay'adda MSF bishii hore soo saartay ayay ku sheegtay inay xalaado amaan-daro awgood ay u hakisay qaar ka mid ah howlihii ay ka haysay Gobolka Galguduud, gaar ahaan deegaanada ay ka taliso Ahlusuna.
C/weli Xaaji Diiriye ayaa sheegay inay jiraan hay'ado kale oo doonaya inay ka howl-galaan deegaanada ay ka taliyaan, isagoo sheegay in hay'adahaas ay wixii maanta ka dambeeya ugu baaqayaa inay howlahoodii ka bilaabaan gobolka.
Dhanka kale; Maamulka Ahlusuna ayaa markii ugu horeysay u magacaabay Gobolka Galguduud Guddoomiye, waxaana xilkan loo magacaabay Axmed Yuusuf Xasan oo ka mid ah mas'uuliyiinta Ahlusuna.
Magacaabidan ayaa waxay timid kadib kulan laba casho ka socday oo ka dhacay degmada Dhuuso-Mareeb, iyadoo gudoomiyaha la magacaabay uu ka dalbaday mas'uuliyiinta Maamulka Ahlusuna inay la shaqeeyaan.