Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
M.Farole oo kulan xirey


GAROWEONLINE

Waxaa soo gabo gaboobey shir saddex maalmood uga soconayey magalada Garowe Haween Soomaaliyeed oo ay marti galisey Dowlada Puntland Iyadoo uu kulanka haweenku dabo socdey shir weyne haweenkan Garowe ku yeesheen 25 Oct,2010.


Haweenka kulanka ka qeyb galayey ayaa iyagu ahaa wakiilo ka yimid wadamo ku yaal qaaradaha America,Yurub , Africa,Australia iyo Bartamaha, koonfurta Somalia & Puntland & Somaliland.

Gabagabadii shirkan waxaa laga soo saarey saddex qodob oo ka hadlaya colaada Somalia ka jirta 20 sano ka badan & sidoo kale qodobo xoojinaya urur haweenkan ay ku mideysan yihiin oo ku sameysteen shirkan midkii ka horeyey.

Caasho Geele Diiriye Wasiirka Haweenka Iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland oo iyadu gudoomineysay kulanku intii uu soconayey ayaa sheegtey in ay ku baaqayaan haweenka kulanka kasoo qeyb galey in laga qeyb-galiyo shirka QM ku qabaneyso Magalada Nairobi , ee ay ka qeyb galayaan dhinac-yada siyaasada Somalia.

Iyadoona intaa raacisey Marwo Caasho, in shirkasi haweenka Soomaaliyeed muhiim tahay in doorkoda laga siiyo , si ay kaalin uga cayaran xalka loo radinayo qaranimada Somalia & dib u heshiisiinta.

Khudbada uu shirka ka jeediyey Madaxweynaha Dowlada Puntland.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo shirka soo xirey ayaa marka horre khudbad uu jeediyey, Amaan & Bogaadin ku gaarsiiyey mas'uuliyiinta Wasaarada Haweenka Puntland & Xubnaha Haweenka ee kulanka lagu casumey ka qeyb galkiisa, sidoo kale xafiiska QM gaar ahaan UNDP Wakiilo ka socda oo shirka fadhiyey gaar ahaan wafti ka socda Dowlada Wadanka Norwey oo iyana kulanka goob joog u ahaa gabogabadiisa.

Md. Faroole ayaa hoosta ka xariiqey in go'aamadii shirka laga soo saarey ay yihiin kuwo dhaxal gal ah oo ay ku waano qaadan karraan ummada Somaliyeed.

Madaxweynaha ayaa haweenka kulanka kasoo qeyb galey ku booriyey in dadalkooda aysan intaa ku ekeysiinin , oo ay sii xoojiyaan , iyadoona uu sheegey in haweenkan ka buuxaan Aqoon-yahano daafaha dunida ka yimid wax badan ka bedeli karraan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud waxa uu ugu danbeyntii ka hadley Puntland & doorkeeda ku aadan xal u helida mushkilada Somalia ka jirta , iyadoona uu sheegey in ay ku aasaasantey sidii ummada burburku ku yimid uga bad baadin laheyd oo ay mar walba Somali u taagan tahay .

Waxaana uu sheegey hadii aysan jiri laheyn maamulka Puntland xilligan in wax badan ummada Somaliyed ku dhibtoon laheyd deegaan iyo dhul ay leeyihiin oo ay ku kulmaan , taasi ay tahay dadaal ummada reer Puntland u galeen xasiloonida & Nabadda ka jirta dhulka Puntland.
 
Dhageyso Khudbada Madaxweynaha Dowlada Puntland Shirka Haweenka uu ka jeediyey.


RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us