Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
M. PL oo ka hadley dagaalkii Galgala


GAROWE ONLINE

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole ayaa ka hadley iska-horimad dhexmarey ciidamada Darawiishta Puntland iyo maleeshiyo xiriir la leh kooxaha Koonfurta Somalia.
 
Madaxweynuhu waxaa uu sheegey iska caabin xoog leh oo ciidanku ku sameeyeen kooxaha weerarka soo qaadey islamarkaana khasaare xoogan loo geystey.
 
Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed "Farole" Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegey in ciidamadu gacanta ku dhigeen ragii madaxda u ahaa kooxaha weerarka soo qaadey gaar ahaana qabteen nin lagu magacaabo Jamac Ismaaciil Ducaale
 
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dalbadey beesha caalamka gaar ahaan dowladaha dariska in ay ka qeyb-qaataan dagaalka lagula jirro kooxaha mayalka adag kuwas oo Madaxweynuhu sheegey in afkaartoodu tahay dagaal guud oo ay ku waxyeeleeyaan nabad galyada gobolka ka jirta.

Dhinaca kale wararka aan ka heley goobaha dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dagaaladaan kaga dhinteen Afar askari halka kooxaha dagaalka soo qaadey ka dhinteen 13 qof.

Dhaawaca ciidamada  dowladda ayaa lagu sheegey shan Askari kuwaasoo iminla lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee Bosaso.


RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us