From Garoweonline.com
M. PL oo ka hadley dagaalkii Galgala
By
Jul 26, 2010 - 4:11:31 AM
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Farole ayaa ka hadley iska-horimad dhexmarey ciidamada Darawiishta Puntland iyo maleeshiyo xiriir la leh kooxaha Koonfurta Somalia.
Madaxweynuhu waxaa uu sheegey iska caabin xoog leh oo ciidanku ku sameeyeen kooxaha weerarka soo qaadey islamarkaana khasaare xoogan loo geystey.
Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed "Farole" Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegey in ciidamadu gacanta ku dhigeen ragii madaxda u ahaa kooxaha weerarka soo qaadey gaar ahaana qabteen nin lagu magacaabo
Jamac Ismaaciil Ducaale
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dalbadey beesha caalamka gaar ahaan dowladaha dariska in ay ka qeyb-qaataan dagaalka lagula jirro kooxaha mayalka adag kuwas oo Madaxweynuhu sheegey in afkaartoodu tahay dagaal guud oo ay ku waxyeeleeyaan nabad galyada gobolka ka jirta.
Dhinaca kale wararka aan ka heley goobaha dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dagaaladaan kaga dhinteen Afar askari halka kooxaha dagaalka soo qaadey ka dhinteen 13 qof.
Dhaawaca ciidamada dowladda ayaa lagu sheegey shan Askari kuwaasoo iminla lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee Bosaso.
http://www.garoweonline.com