From Garoweonline.com
M. Shariif oo xilka ka qaadey taliyaha ciidanka xoogga
By
Sep 6, 2010 - 6:47:52 AM
Madaxweyne Sh. Shariif ayaa shaqadii ka eryay taliyaha ciidanka xooga Gen. Max'ed Geelle Kaahiye iyo saraakiisha sarsare, kuwaasoo uu madaxweynuhu la xiriiriyay inay lug ku lahaayeen hub fara badan oo laga dhacay DF.
Warkan oo ay Garowe Online ka heshay ilo lagu kasloonaan karho ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu ku eedeeyay taliyaha iyo saraakiisha kale ee shaqada uu ka eryay inay mas'uul ka ahaayeen hubka lagala baxay bakhaarada hubka ee Dowlada.
"Madaxweynuhu wuxuu eryay taliyaha milateriga iyo saraakiil kale, kadib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan hub fara badan oo laga baxsaday bakhaaro ay dowladu leedahay" ayuu yiri sarkaal ka tirsan milateriga DF.
Sarkaalkan oo diiday magaciisa ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay lagu eedeeyay taliyaha iyo saraakiisha kale inay dhaca hubkaas gacan ku leeyihiin taasna ay keentay in laga eryo shaqada.
Madaxweyne Shariif ayaa qorsheynaya inuu magacaabo taliye ciidan oo cusub, iyadoo ciidamada Milateriga qaarkood ay saakay gadood ka sameeyeen degmooyin ay dowladu maamusho.
Shaqo ka eryidan ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada DF ay maanta ka gadoodeen mushaar la'aan haysata, iyagoo hakiyay isku socodka gaadiidka wadooyinka Muqdisho qaarkood, gaar ahaan jidka ugu mashquulka badan ee ay DF iyo AMISOM isticmaalaan.
Gen. Kaahiye ayaa xilkaan loo magacaabay [Dec 06, 2009], isagoo markaas sheegay inuu isbadal ku sameynayo ciidamada, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay kuna aadan xilka laga qaaday.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com