Gudoomiyihiin hore ee Gobolka Banaadir isla markaana ahaa duqii hore Max'ed Cuamr Xabeen [M. dheere] ayaa sheegay kaga hadlay dagaalada ka socda Muqdisho shir jaraa'id oo uu Talaadadii ku qabtay Muqdisho.
Max'ed dheere, wuxuu sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo ay dhibaato kasoo gaartay shacabka lagu dul dagaalamayo, wuxuuna ku dusha ka saaray mas'uuiyada dagaalka Ururka Al-shabaab.
"Dadka ku dhimanaya dagaalka waxaa mas'uul ka ah Al-shabaab, waayo iyaga ayaa ku dhawaaqay inay dagaal la galyaan dowlada, runtiina dhibaato ayay shacabka ku hayaan" ayuu yiri Max'ed dheere.
Gudoomiyihii hore ee Banaadir, ayaa wuxuu beeniyay in Al-shabaab ay qabsatay gurigiisa Muqdisho, isagoo sheegay in warkaas uu maqlay, balse aanay waxba ka jirin oo been abuur ay tahay.
"Waxaan ugu baaqayaa kooxaha dagaalada kula jira dowlada inay hubka dhigaan oo ay qayb ka noqdaan howlaha nabadeed ee ay dowladu wado, waayo dagaal laguma gaarayo nabad iyo hadafka la leeyahay" ayuu si ay caro ku jirto u yiri duqii hore ee Muqdisho.
Sidoo kale Max'ed dheere, wuxuu sheegay in dowlada ay ku guuldareystay inay ka qabato dadka kooxaha doonaya inay dalka fowdo ka dhigaan, ayna u muuqato inay ku guuldareystay inay fuliso wixii markii hore loo soo doortay.
Mas'uuliyiin u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ay degmada Boondheere kula galeen DF iyo AMISOM ay ku qabsadeen deegaano badan oo uu ku jiro guriga Max'ed dheere oo ku yaala agagaarka wasaaradii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta.
Max'ed dheere oo horay u ahaa Gudoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay hogaanka ciidamada DF ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab iyo xulufadooda Xisbul Islam.
GAROWE ONLINE