From Garoweonline.com
M.ku xigeenka oo tagey Galgala
By
Aug 9, 2010 - 11:29:51 AM
 |
| Madaxweynaha ku-xigeenka oo ku sugan Galgala |
Wafti ka tirsan xukuumada kuwaasoo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigenka dowlada Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Bahda Saxaafada ayaa maanta gaarey tuulada Galgala.
Waftiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyey Galgala, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafey buuraha ku hareersan dagaal ku dhex marey ciidamada Dowlada Puntland & Koox maleeshiyada taabacsan ururka Al-Shabaab.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad ka soo jeediyey tuulada Galgala Markii uu Wuxuuna la hadley qeybo ka mid ah Waxgaradka halkaasi ugu tageen iyadoo uu ka codsadey in ay kala shaqeeyaan ciidanka soo qabashada kooxda faro ku tiriska ah ee hadda ay ku raad Joogaan.
 |
| Taliyaha Ciidamada Darawiishta & Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku sugan Galgala |
Dhanka Kale Col. Cumar Cabdulaahi oo u waramayey Radio Garowe Islamarkaana ka mid ahaa saraakiishii baaritaanka ku sameeyey Gurigii uu tuuladaasi ku lahaa Maxamed Siciid Attam ayaa sheegey iney kasoo saareen 12 qarax oo meesha ku diyaarsanaa kuwaas oo ahaa kuwo lagu qarxiyo gacanta ,Matoor weyn oo alxanka lagu sameeyo & qoraalo muhiim ah.
Qabashada Galgala oo caan ku ah buur dheer ayaa ka danbeysay kadib markii ciidamada Dowlada Puntland Dagaal la galeen 24kii saac ee lasoo dhaafey kooxo maleeshiyo ah oo taabacsan Ururka Alshabab.
Dhageyso wareysiyada iyo khudbadaha
http://www.garoweonline.com