Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
M/weynaha Somalia oo ku laabtay Jibuuti


Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay dalka Jabuuti, kadib markii uu dalka Ethiopia kaga qaybgalay shirkii Madaxda dalalka Midowga Afrika.

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ahaa Nuur Cadde iyo Axmed C/salaan, wuxuuna si toos ah u abaaray hotelka Kampisky oo uu ka dagan yahay dalka Jabuuti, halkaasoo lagu wado inuu kaga dhawaaqo ra'iisul wasaare Cusub.

Ma jirto wax hadal ah oo uu siiyay saxaafada markii uu ka dagay garoonka Jabuuti, waxayna isku diyaarad saarnaayeen Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Shariif ayaa hadal ka jeediyay fadhigii AU-da ee Addis Ababa isagoo dalalka Afrika ka dalbay inay garab istaagaan xukuumadiisa si ay ugu guulaysato inay dalka kusoo dabaasho nabad; balse ma jirto ciidamo uu dalbaday.

"Waxaan xaqiijinaynaa inaan si buuxda ula shaqeyno beesha caalamka, gaar ahaan inaan kala shaqeyno la dagaalanka burcadbadeeda, kuwaasoo dhaawacay sharaftii Somalia" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekhu wuxuu intaas ku daray inuu rumeysan yahay in dhibaatada burcadbadeedu aysan ahayn mid ku eg bada, balse laga hago bariga, isagoo xusay in ciidamada dowladiisu ay dagaal la geli doonaan burcaddan.

Mas'uul ka tirsan xukuumada Ethiopia ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu ka dalbaday madaxda Afrika ciidamo dheeraad ah, iyadoo taas uu beeniyay la taliyihiisa C/raxmaan C/shakuur Warsame.

C/raxmaan oo hadal siiyay BBC-da ayaa sheegay in warkaas ay la yaabeen, isla markaana aysan jirin ciidamo uu dalbaday Sheekh Shariif, isagoo xusay in marka ay ciidamo sameeyaan ay ka dalbayaan AMISOM inay dalka ka baxdo.

RADIO GAROWE

RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us