Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jul 16, 2008 - 10:41:23 AM
Wararka
Mamulkii cusubaa oo soo gaarey B/weyne


Qaar ka mid ah mas'uuliyinta cusub ee maamulka gooblka Hiiraan ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray Baladweyne waxayna ka soo dageen garoonka diyaaradaha.
 
Mas'uliyintan oo gaarayay ilaa 3 xubnod oo kala ahaa gudomiyaha gobolka Hiiraan Maxamad Axmed Maxamad, duqa magalada B/weyne Aadan Cabdi Cise (Aadan Garaaso) iyo Gudomiyaha degmada B/weyne Saalax Mumin Yacquub.
 
Xubnahaan ayaa markii ay ka soo degteen garoonka Ugaas Khalif ee B/weyne waxaa ay ku hakadeen deegaanka Janto-kundisho halkaasoo saldhig u ah ciidamada Ethiopia halkaas oo ay kulan kula qateen waxayna soo galeen xalay waqti dambe magaalada iyagoo seexday guryaha Dalxiiska.

Gudoomiyaha iyo xubnaha kale oo weheliyay ayaa saakay la kulmey qaar ka mid ah bulshada rayidka iyo odayaasha waxayna u sheegeen in ay si wada-jir ah ula kulmi donaan Ethiopianka iyo dadka gobolka islamarkana soo bandhigi donaan waxqabadka ugu horeeya.
 
Amaanka xubnaha cusub ayaa waxaa sugayay ciidamo beeleed oo ay isku heyb yihiin walow xarunta maamulka gobolka ay fariisin u tahay ciidamada Ethiopia.

Imaanshaha xubnahaan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo aan weli xal laga gaarin kooxihii dulanka kadiska ah ku soo qaadi jirey gobolka taas oo sababtey in Gudomiyihii hore xilkiisa ku waayo.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia oo ku sugan gudaha magalada Baldweyne ayaa kulan ay maalintii shaley la qaateen odayaasha  ku balan qaadey in  ay ka bixi doonaan gudaha magaalada.

Ilyaas Guute, Garoweonline
B/weyne
RELATED:
PL: Xildhiban sharxay Dasturka
Wariye Cabdala oo lagu aasay Muqdisho
Mucaradka DFKMG galay Qansaxdheere

Advertisement
 

After a Charade Somalia's Opposition Ruptures

EDITORS PICK:

Under new constitution, 1 year left in office for Puntland govt, says lawmaker
GAROWE, Somalia July 24 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us