From Garoweonline.com
'Maxakimta waa burbureen'
By
Jul 4, 2009 - 9:49:31 AM
Ilaa 3 Sarkaal oo ka tirsanaa Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay saacado ka hor in uu bur buray Maamulkii Maxkamadaha ee G/Hiiraan iyaguna ay ku biireen Ururka Xizbul Islam.
Saraakiishan ayaa maanta waxaa ay shir jaraa'id ku qabtay Hotel Galbeed ee Magaalada Beledweyne waxayna shaaca ka qaadeen in gabi ahaanba uu meesha ka baxay Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee tabacsanaa Dowladda Federaalka KMG ah ee Somalia ee ka arrimin jiray G/Hiiraan.
Sedaxdaan sarkaal oo kala ahaa Madaxa Tababarada ciidamada Maxkamadaha ee G/Hiiraan Sh. C/naasir Jaliil Axmed iyo Taliyihii Airport-ka Magaalada B/weyne ee Ugaas Khaliif Airport Sh. Cusmaan Cabdule Barkhadle iyo Taliye ku xigeenka ciidanka gurmadka deg dega ee G/Hiiraan Sh. C/laahi Garam-garam ayaa waxaa ay ku sababeeyeen burburka Maxkamadaha Islaamiga ku yimid imaanshiyaha Ciidamada Ethiopia ee Gobolka iyo sidoo kale xildhibaanada iyo Masuuliyiinta DFMKG ah oo ay ku tilmaameen in faquuq ay sameeyeen.
Sh. C/naasir Jaliil Axmed oo ka hadlay shirkaasi jaraa'id isagoo ay garbihiisa fadhiyeen saraakiil hore oo ka baxay Maamulka Maxkamadaha ayaa waxaa uu xusay in xiligaani wixii ka dambeeya ay ku biireen Ururka Xisbul Islam islamarkaana ay wataan ciidamo fara badan iyo gaadiidka dagaalka oo ay la dagaalamayaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKMG ah Somalia sida ay hadalka u dhigeen.
Saraakiishan iyo kuwo horay uga goostay Maamulka Maxkamadaha ayaa waxaa ay ugu baaqeen saraakiisha kale ee Maxkamadaha Islaamiga ee haatan ku harsan maamulkaasi in ay isaga soo tagaan oo ay ku soo biiraan "kooxaha mujaahidiinta" ee dagaalka kula jira Dowlada iyo ciidamada shisheeye waxayna intaasi ku dareen in Maamulka Dowlada uu yahay meel laga diidan yahay in Diinta Islaamka la isku dhaqo.
Si kastaba ha ahaatee arintaani ayaa ku soo beegmaysa xili Xafiisyadii Maamulka Gobolka iyo kan degmada ay albaabada u xiran yihiin islamarkaana magaalada B/weyne laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay samaynayaan xoogaga iska soo horjeeda ee ku wada sugan gudaha G/Hiiraan waxaana dhanka kale muuqato in wax maamul ah oo hada ka shaqeynayo Magaalada B/weyne uusan jirin iyadoona ay xusid mudan tahay in dhamaan degmooyinka kale ee G/Hiiraan ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeedo DFKMG ah marka laga reebo B/weyne oo qeyb ka mid ah joogaan ciidamada Dowlada.
Ma'ahan markii ugu horeysay oo saraakiil ka tirsan Maamulka Maxkamadaha ka goostaan iyadoo ay horay isku casilay saraakiil ka tirsan Maamulkii Maxkamadaha Islaamiga ee Gobolka Hiiraan, waxaana ugu dambeeyay taliyihii Amniga ee Ciidamada Maxkamadaha ee Magaalada B/weyne Sh. Ibraahim Yuusuf waxaana arrimahaan oo dhan ku soo beegmaysaa xilli uu Gudoomiyihii Maamulka Maxkamadaha ee G/Hiiraan Sh. C/raxmaan Ibraahim Macow uu ku sugan yahay gudaha magaalada Muqdisho sababo aan horay loo shaacinin awgeed.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com