Muumino Xaaji oo wadata ilaa 6 caruur ayaa Wariyaha GO u sheegtey in labadii maalmood ee ugu dambeysay Labo caruur ah uga dhinteen gaajo waxaan jiro caruur faro badan oo laga deyrinayo xaaladooda.
Dadka ku jira xeryahan ayaa waxay u badan yihiin dad da'ah iyo caruur kuwaas oo aan awoodi karin in ay iibsadaan raashiinka ay ku noolaadaan ama qabtaan marka laga reebo kuwo aan yar oo xoogooda ku shaqo raadsada haseyeeshee aanu helin wax ku filan.
Jaliyadaha Somaliyed ee dibada ku dhaqan ayaa waxaa ay dadkani bilihii ugu dambeyay u soo direen lacago balse waxaa lasheegay in sidii ay ahaayeen aanu loogu qeybin dadka ayna jiraan eedeymo ah ku takri falid.
Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in hay'ado maxali ah oo wakiil ka ah kuwa caalmiga ah ay ku lacag qaataan dadkaan madama sarakiisha hay'adaha QM booqan karin gobolka madaama amaanikiisa leysku haleyn karin kuwaas oo la xusayo in 5% la gaarsiiyo gargaarka magacooda lagu soo qaato.
Xukuumada DFKMG ah ayaa ah mid gabi ahaan ku guuldareystey wax ka qabshada dhibaatada xoogan ee Somalia ka jirta iyada xubnaha golaha Wasaiirada ilaalo looga hayo magaalada Muqdisho.