Madaafiic lagu Weeraray Villa Somalia 22 Dec 22, 2012 - 6:04:15 AM
Madaafiic xalay lagu weeraray Villa Somalia ayaa ku dhacay degmada Wardhiigley oo ay ku taalo madaxtooyada waxaana halkaas ku dhintay hooyo iyadoo 4-cunug oo ay dhashayna ay ku dhaawacmeen.
Duqeytan oo ay mas'uuliyadeeda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa laga tuurayay gudaha Muqdisho iyadoo dadka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ay xalay maqleen madaafiicda ku dhacayay hareeraha Villa Somalia.
Saraakiisha Dowlada Somalia kama aysan hadlin duqeynta, balse waxay sheegeen inay adkeynayaan amaaanka caasimada ay ka hortagayaan weerarada lagu qaado goobaha ay dowladu leedahay.
Duqeyntan ayaa noqonaysa tii labaad oo lala beegsado Madaxtooyada oo ay ku dhitaan dad shacab ah muddo shan todobaad gudahood ah, iyadoo duqeyntan iyo tii ka horeysay ay dhacday xili uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud dalka dibada uga maqan yahay.
"Afar caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeyntii xalay waaxana ku dhintay hooyadii dhashay caruurta, kadib markii uu madfac ku dhacay gurigooda," ayuu yiri Cumar Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmada Wardhiigley oo GO la hadlay.
Ururka Al-shabaab ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay duqeyntaas la heleen bartilmaameedkii ay la beegsanayeen oo ahayd Villa Somalia, laakiinse ma sheegin khasaare ka dhashay duqeynta.
Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayso dowlada ayaa waxaa dhibaatooyin isugu jira dilal, qaraxyo iyo duqeymo ay dad rayid ah wax kasoo gaarayaan ka geysta Al-shabaab oo isaga baxday sanadkii hore kadib markii la saaray culeysyo milateri.