From Garoweonline.com

Wararka
M. Puntland oo ka dhoofey Garowe
By
Sep 1, 2010 - 4:35:14 AM

Madaxweynaha Puntland oo la jooga ciidamada u tababarku dhamaadey
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa maanta duhurnimadii ka dhoofey magaalo madaxda Garowe isagoo ku wajahan wadanka Ethiopia.

Safarka Madaxweynaha oo horey u sii qorsheysnaa ayaa wararka aan ka heleyno sarakiil ka tirsan xafiiskiisa waxaa uu khuseeyaa kulamo uu Addis Ababa kula qaadanayo madaxda dalka Ethiopia iyo ururka Midowga Afrika.

Booqashada Madaxweyne ayaa kusoo beegantey xili xaalad xasaasi ku jirto Somalia guud ahaan gaar ahaan iyadoo ciidamada Puntland dagaal buuraha Gagalgala kula dagaalameen koox xiriir la leh ururka Al-shabaab oo halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa halkaas kusii sagootiyey Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa intii uusan ambabixin booqdey ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland kuwaasoo xerada 54aad ee ku taal duleedka Garowe tababar ugu xirmey.

Madaxweynaha Puntland ayaa u bogaadiyey ciidamadaan isaga oo u sheegey in looga baahan yahay ka qayb qaadashada difaaca Puntland iyo Somalia guud ahaan.

Dhageyso Radio Garowe oo wax ka weydiiyey safarka Madaxweynaha Puntland la taliyaha xaga saxaafada.




http://www.garoweonline.com