Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jun 14, 2010 - 8:03:37 PM
Wararka
Madaxda DFKMG ah oo ku sii jeeda Jabuti


Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] ayaa kusii jeeda dalka Jabuuti, halkaasoo maanta uu ka furmayo shir u dhexeeya DF iyo ARS.

Magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka socda qabanqaabada furitaanka wajigii 4-aad ee shirka dib u heshiisiinta, iyadoo wafdiyada labada dhinac ay ku sugan yihiin Hoteelka shirka uu ka furmayo.

Ra'iisul wasaare Nuur Cadde iyo wasiirka warfaafinta Axmed C/salaan ayaa saakay ka dhoofay Muqdisho, iyagoo ku wajahan Magaalada Jabuuti, si ay uga qaybgalaan shirka.

Inkastoo aan xog badan laga hayn booqashada Madaxweyne Yuusuf uu ku tagayo dalka Jabuuti, hadana shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Nairobi ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay heshiiska ka socda dalka Jabuuti.

"Shirka Jabuuti waa mid ay kasoo socoto awood qaybsi dhexmara xukuumada iyo mucaaradka, waana mid aan soo dhaweynayo" ayuu yiri Yuusuf oo shir jaraa'id ku qabtay Kenya.

Mar uu ka hadlay bixitaanka ciidamada Ethiopia ayuu yiri: "Ciidamada Ethiopia bixi maayaan, waayo lama dhaqangelin xabadjoojintii lagu heshiiyay, inta xabadu socotana way joogayaan".

C/llaahi Yuusuf ayaa lagu wadaa isaguna inuu maanta ka dhoofo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uuna gaaro dalka Jabuuti, balse ma jiraan warar xaqiijinaya inuu shirka ka qaybgalayo iyo in kale.

Shirkan ayaa lagu wadaa in looga hadlo qodobadii lagu heshiiyay ee xabadjoojinta iyo bixitaanka ciidamada Ethiopia, iyadoo sidoo kalena lagu wado in looga hadlo awoodqaybsi dhexmara mucaaradka iyo dowlada.

Xubnaha shirka ka qaybgalaya ee ku sugan Jabuuti ayaa waxay muujinayaan niyad wanaag ku aadan in shirka heshiis kama dambeys ah oo dhanka awoodqaybsiga ah lagu gaarayo.

Shirka Jabuti oo laga hormariyey Siminaar

Gudiyadii Isbahaysiga ARS iyo DFKM ayaa maanta looga furay dalka Jabuuti siminaar looga hadlayo dib u heshiisiinta, dib u dhiska dalka, xuquuqda Insaanka iyo qaabka loo fulinayo heshiisyada la gaaro.

Siminaarkan oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay. waxaana ka qaybgalaya gudiyada siyaasada iyo amaanka ee DF iyo ARS, iyadoo siminaarka ay bixinayaan quburo ay ka socda caalami ah.

"Tababarku wuxuu socon doonaa maanta iyo beri, shirkana wuxuu si rasmi ah u furmayaan maalinta Isniinta ah [Nov 24, 2008], iyadoo looga doodi doonaa qodobo dhowr ah" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhanka ARS u matalaya shirka.

C/raxmaan wuxuu sheegay in siminaarka uusan ahayn mid ay ku xisaabtamayeen, balse ay uu Ahmadou Ould-Abdallah dalbaday inay ka qaataan, wuxuuna si gaar ah u sheegay in shirka lagu soo daray xubno dhanka xuquuqda insaanka qaabilsan.
"Xubnaha xuquuqda Insaanka ee shirka ka qaybgalaya waxay qiimeyn doonaan dhibaatadii laga geystay Somalia, iyagoo eeda dhibaatada dusha ka saari doona kuwa ka mas'uulka ah" ayuu mar kale yiri C/raxmaan C/shakuur.

Shirka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, Mareykanka, Sweden iyo dalal kale oo daneeya arimaha Somalia, iyadoo la qorsheynayo in shirka lagu daro ka hadalka burcadbadeeda.

DF iyo ARS ayaa waxaa shirka hormuud uga noqonaya Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] iyo gudoomiyaha ARS Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
Garowe Online, Jabuuti

RELATED:
Muqdisho: Duqeymo dhacay
Uganda: Ciidanka AMISOM oo la kordhiyay
Ergayga UN-ka Augustine Mahiga oo Muqdisho booqday

Advertisement
 

Islam: Ramadan - The Month of Self-Restraint

EDITORS PICK:

In the heart of a Somali pirates' lair
HOBYO, Somalia Sep 2, 2010 (AFP)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us