Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Farole oo Ciida la hadley shacabka P/land


Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan iminka wadanka Djibouti ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Puntland iyo Soomaliyaba munaasabada Ciidul Fidriga oo si wada jir ah beri Muslimiinta caalamka oo dhan ay u wada Ciidi doonaan isagoo u rajeeyey in ciidaan ciideeda ku gaaraan Bash Bash iyo Baraare [aamin].

Madaxwayne Faroole oo isku mar u waramayey idaacadaha Radio Garowe, Radio Daljir iyo Radio SBC ayaa dhanka kale ka hadlay Qaraxii ugu dambeeyey ee maanta 10.09.2010  lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana uuna sheegay in falkaasi ahaa mid wuxushnimo ah shacabka Somaaliyeedna kasoo daaleen dagaalo qaraxyo iyo dhiigdaata taasoo bedelkeed u baahan yihiin nabad iyo horumar.

Hadalada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:

Ducada Madaxweynaha

Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu culayska ka qaado shacabka dhibaataysan ee Soomaaliyeeed. ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu dadka ka celiyo kuwaan shidada wada. ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu nabadgelyo ku soo waaro dadka Soomaaliyeed oo midnimadoodi iyo walaaltinimoodi hore iswaafajiyo.

Safarka Ethiopia iyo Djibouti

Sidaad ogtihiin dadka degan Mandaqadaan Geeska Afrika way isku xiranyihiin wakhtigaan shidada ah oo Somalia burbur ku yimid oo dadka Somaliyeed isku filnaan waayeen oo gaar ahaan gobollada koonfur iyo dhexe dhib ka jiraan anagana meelo naga soo gaartay shidadaas inkastoo ILAAHAY guusha anaga na raaciyey.

Markii muddo la joogo Mandaqada oo dhan waa iska warhayaan oo safarkaan waa in xog waran la is gaarsiiyo. Addis Ababa waa xarunta Midowga Afrika (African Union) iyo xafiisyada dalalka daneeya arrimaha Somalida.

Dowladda Djibouti oo dadka Soomaliyeed aad u taageeeray oo ka shaqeeyey nabadgelyada Somalia inaan soo maro waa waajib. Maslaxada Soomaliyeed guud ahaan baan u imid dalalkaan.

Wariyaha xiran

Dowladu waad ogtahay qeybo badan bay u qaybsan tahay. Ninkaas [C/fatax Jamac Mire] sidaan ku maqlay Idaacada Horseed agaasime kama aha ee Maamuleyaasha hoose buu ka mid ahaa.

Dalka nabadgelyadiisa cidna looguma tanaasuli karo. Dowladdu qaybo bay kala leedahay. Qeybaha Amniga iyo Cadaalada [Judiciary] gooni weeye. Qeybta Maamulka [Administration] ah oo aan aniga Madax ka tahay way ka madax banaan tahay.

Wakhti dagaal baa lagu jiraa cidii dambi gashaa ama Idaacad haka shaqayso ama Maxkamad haka shaqayso ama Boolis ha ahaato ama Maamulka haka shaqayso ama Mudaawin caadi ah ha ahaado nin walba wuxu galay waa loo raacaya.

Waliba wakhtiyadu waa sii kala culus yhiin oo wakhtiga dagaalka lagu jiro wax wayn weeye marka qeylada badan iyo masabidka iyo dhibaatada ay samaynayaan Idaacadaas [Horseed Media] raga wax ka qora oo anigu ma aqaan meel ay joogaanee hadii Internet-ka la gasho oo been abuurka ah ee dad kale masabidaaya oo magac dilka ah [defamation] dee wax loo dulqaadan karo iyada laftigeedu ma aha.

Waxa ay qoreen oo aflagaado ah iyo xumaan ah oo aad iyo aad u ah meel ku dhac xeerka iyo nidaamka Dowladda waxaa weeyaan waa been abuur. Ninkaan waligay anigu iskuma aanan dhicin waxna igama qorin. Wuxuu ahaa nin sawirle ah [Photographer] oo imaan jiray meelaha shirarka lagu qabanaayo waxna ma qorji jirin [wariyahaas].

Arrinta Galgala

Arrinta Galgala waa arrin ciidan. Anigu ma rabo inaan Munaasabada Ciida ah wakhtiga kaga lumiyo Dadka. Waxaa weeye ciidan baa ku mashquulsan iyagaana howshooda haysta. Guul bay ka gaareen dagaalkaas. Nin hadba soo dhuumanaya oo dadka dhibaaya waa naf-lacaari…waa qof aan intaa badan qabin karin.

Fariinta Madaxweynaha Puntland

Dadka waxaan u sheegayaa Ciid Mubaarak ka sokow sanadkaan sanadkiisa ILAAHAY inuu barwaaqo iyo nabad inagu gaarsiiyo [AAMIN]:

  • Qolo kasta oo i dhagaysanaysa in nabadgelyada Dalka la ilaaliyo
  • in lala shaqeeyo ciidaamda amniga
  • in dhibatooyinka lala damacsan yahay [Puntland] oo shirqoolada ah oo amni-darada ah oo loo adeegsanayo dad tiro badan oo isla Muwaadiniintii ka ah oo madax ku doon qaarkood damacsan inay dadku la shaqeeyaan Ciidamada Amniga oo wax u wanaagsan qabtaan oo ay is garab istaagan
  • Dadka shidada wada meel kale ma joogaanee dadka dhexdiisay ku jiraan guri bay ka ijaaranayaan, shaqooyinkee wax ka hayaan, suuqyaday marayaan waa la ogaan karaa
  • in mar kasta la war galiyo Ciidanka Amniga oo gacan la siiyo si wadanka Amaankiisa, iyo Hor'umarkiisa iyo Nabadgelyadiisa loo sugo taasaan dadka ku baraarujiyaan iyadoo aan nin gaar ah loogu danaynaynin nin walbana uu ugu danaynaayo maslaxada caamka ah iyo tiisa gaarka ah si ILAAHAY nooga badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira walaalaheen oo Koonfur jira waxa haytsa ILAAHAY inuu ka badbaadiyo
  • Cid kasta waxaan u rajaynayaa inay dariiqa suuban raacdo oo wixii xun ay ka fogaato oo ay ku jiraan dhalinyarada yar yar oo la maran habaabinaayo oo Dugsiyada Quraanka laga qaadanayo ama wax aan jirin loo sheegayo
  • iyo in kuwaan luuq luuq ku dhumaanayo meelo badan oo Qaxootiga ay ka mid yihiin iyo Shirkadaha dhamaan intaba in taxadar laga ahaado

Dhagayso codka Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole oo ku sugan Dalka Djibouti:


RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us