Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 31 January,2013 ka tacsiyeeyey geeridii Alaha u naxariistee xalay ku timid Suldaan Cabdi Cali Sonkor.
''
Anigoo
ku hadlaya magacayga, magaca Dowladda Puntland iyo magaca Shacabka Reer
Puntland, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Ehelladii, iyo
dhammaan shacabka gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaan Shacabka
Soomaaliyeed, oo aan uga tacsiyeynaayo geeridii naxdinta lahayd ee ku
timid
Marxuum Suldaan Cabdi Cali Sonkor,
oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee beelaha degan gobollada
Jubbooyinka oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya'' ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey inuu Janadiisa Fardowsa ka waraabiyo Marxuumka ,eheladii ,qaraabadii iyo dadka Soomaliyeedna ka siiyo Samir iyo Iimaan.
Amiin Amiin.
Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun.
GAROWE ONLINE