Madaxweynaha DGPL oo boqasho ku jooga wadanka Mareykanka magaladiisa Minnesota ayaa habeenimadii Taladada June 30,2009 jaaliyada Somalida ee halkaas ku dhaqan kala qayb galey xaaflad si balaaran loo soo agaasimey taasoo lagu xusey 1 july oo ku aadan markii xornimada Somalia qaadatey islamarkaana isku biireen gobolada Koonfurta iyo Woqooyi.
Xafladaan oo ay kasoo qayb galeen dad kor u dhaafaya 3000 [Qof] ayaa lagu qabtey Minneapolis Convension Center waxana waftiga Madaxweynaha PL si wanagsan loogu soo dhoweeyey gudaha hoolka lagu qabanayey xafladaan.
Waftiga Madaxweynaha Puntland iyo waftiga uu hogaminyey ayaa hadalo kala duwan ka jediyey goobtas iyada dhextaal u aheyd xafladaan hadalo ay jedinayeen shaqsiyad magac ku leh jaaliyada Minnessota.
Madaxweynaha DGPL ayaa khudbad ka jeediyey munasabadas iyada oo lagu beegey 10 daqiiqo ka hor markii calan Somaliyed la saarey taasoo ku beegneyd 1da Luulyo oo ah maalinta xornimada iyo Midnimadii Soomaaliya. Ka dhageyso
Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Puntland