Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Madaxweynaha PL oo soo laabtey

GAROWE ONLINE

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 5 July,2012 dib ugu soo laabtey magaala madaxda Puntland ee Garowe kadib socdaal shaqo uu dalka dibaddiisa ku maqnaa 55 maalmood.

Dalalka Ethiopia ,India ,Turkiga ,Kenya ,Imaaraadka iyo Jabouti ayuu ku kala sugnaa mudadii la soo dhaafey waxana la socdey wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajir iyo wasiirka Amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan.

Ku xigeenka Madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiye ku xigeenka Barlamanka ,taliyaha ciidanka daraawiishta ,taliyaha booliska ,taliyaha asluubta ,wasiirada xukuumadda ,xildhibaanada golaha wakiilada ,culimaa’udiin ,ardeyda iskuulaadka ,ururada haweenka iyo dhalinyarada ayaa si diiran garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweyey madaxweynaha Puntland.

Xarunta madaxtoyada ayaa loo soo galbiyey Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole iyo xubnihii wehelinayey waxana uu kula hadlay saxaafada oo uga waramay waxyaabihii uu soo qabsoomey intii uu safarada dibeeda ku maqnaa.

Dalka India ayuu ka bilaabey madaxweynuhu oo casumad looga fidiyey waxana uu sheegey in ay is afgarad ka soo gaareen wadahadal dhexmarey oo ku saabsanaa la-dagaalanka burcad badeeda Somalida iyo xoojinta xiriirka amaan ee ka dhaxeeyaa.

Dowladda India ayuu raaciyey inay dooneyso horumarka Puntland ,soo afjari taanka kooxaha burcada ah iyo weliba xasilinta guud ahaan dalka.

Shikii Saxiixayaasha RoadMapka ay isugu tageen Addis Ababa dhamadkii May 2012 oo Puntland horey u codsatey ayuu sidoo kale wax ka taabtey ,waxana madaxweynuhu uu ku adkeyey in qodobdka Dastuurka ay Puntland hogaamintiisa leedahay.

Qorshaha Nabada Somalia (Road Map) ayaa ka kooban afar qodob oo kala ah Amaanka ,Dastuurka ,Dib u heshiisiinta iyo Dowlad wanaaga waxana uu tilmaamey madaxweynuhu in Puntland shirkii Muqdisho September 2011 ay qaadatey kaalinta dastuurka taasina keentey in shirarkii dastuurka lagu qabto Garowe.

Shirkii Turkiga ay uga qaybgaleen ayaa xigtey qodobada uu ka hadlay madaxweynuhu isagoo raaciyey in markii hore ajandaha shirkaasi la marin habaabiyey balse markii danbe is fahan laga gaarey khilaafkii soo kala dhexgalay Puntland iyo Turkiga.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaadey Dr.Farole shirkii Nairobi mar labaad isku arkeen saxiixayaashu kaasi oo la isla eegayey waxyaabihii ka qabsoomey Qorshaha nabada Somalia iyo soo xulista ergada ansixineysa dastuurka DF Somalia.

Madaxweynaha Puntland waxa uu codsadey wada shaqayn dhexmarta Dowladda iyo Shacabka si loo xoojiyo amaanka sidoo kale dadka reer Puntland waxa uu ku booriyey inay u istagaan sidii ay iskaga soo xuli lahaayeen dadka ugu habeen ee buuxin kara boosaska DF islamarkaasina Somali wax u tari kara.

Halkan ka daawo sawiradda soo dhaweynta madaxweynaha Puntland Garowe
























Halkan ka dhageyso codka madaxweyne Puntland Dr.Cabdiraxman Farole


RELATED:
AMISOM: ''Amniga waan sugaynaa''
Xildhibaano ka laabtay Mooshin
Dibadbax ka dhacay Muqdisho


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman
MOGADISHU, Somalia May 21, 2013 (Garowe Online)

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us