Wareegto saaka kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole ayaa waxaa isbadal lagu sameeyey hay'adda PIA/PIS [ Puntland intellegency Agency and Puntland Security Force] oo horey loogu aqoon jirey PIS.
Nuqul wareegtadaan ah oo soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa u qoraa sidatan:
Xeer Madaxweynaha Lr.27 ee 12/03/2010 kuna saabsan Magacaabid.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkey: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkey: Xeer Madaxweyne Lr.113 ee December 17,2009
Markuu arkey: Baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo hay'adda Sirdoonka Dowladda Puntland PIA/PSF
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa la magacaabey:
1) G/sare cali Maxamad Yusuf ( Binge) Agaasimaha Guud ee Hay'adda Sirdoonka & Amniga Puntland [ PIA/PSF]
Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynaha Puntland saxiixo[ Wuuna saxiixey]
Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud [Farole]
Madaxweynaha dowladda Puntland