From Garoweonline.com

Wararka
M. Puntland oo isbadal ku sameeyey PIA
By
Mar 11, 2010 - 10:48:01 PM

Wareegto saaka kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole ayaa waxaa isbadal lagu sameeyey hay'adda PIA/PIS [ Puntland intellegency Agency and Puntland Security Force] oo horey loogu aqoon jirey PIS.

Nuqul wareegtadaan ah oo soo gaarey warsidaha Garowe Online ayaa u qoraa sidatan:

Xeer Madaxweynaha Lr.27 ee 12/03/2010 kuna saabsan Magacaabid.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkey:     Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkey:    Xeer Madaxweyne Lr.113 ee December 17,2009

Markuu arkey:     Baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo hay'adda Sirdoonka  Dowladda Puntland PIA/PSF

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa la magacaabey:
1) G/sare cali Maxamad Yusuf ( Binge)        Agaasimaha Guud ee Hay'adda Sirdoonka & Amniga Puntland [ PIA/PSF]

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynaha Puntland saxiixo[ Wuuna saxiixey]

Dr.Cabdiraxman Maxamad Maxmud [Farole]
Madaxweynaha dowladda Puntland



http://www.garoweonline.com