Thomas Winkler oo ka socdey Safarada Denmark ee Kenya islamarkaasina ah madaxa Kooxda labaad ee xiiriirka la-dagaalnka burcad badeeda ayaa hogaaminayey oo wehelinayeen Xiriiriyaha UNODC Alan Cole iyo Manuel Pereira oo qaabilsan mashruucan soo wareejinta burcad badeeda.
Labada dhinac ayaa la sheegey inay ka wada hadleen maxaabiista Somalida ee laga soo wareejinayo dalalka Shisheeye,Doorka Ciidanka Badda Puntland ''PMPF'' ay ka qaataan la-dagaalnka burcada iyo xiriirka ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Burcad badeeda.
Puntland Beesha Caalamka ayay u gudbisey inaan la bixin lacagta madaxfurashada ah taasi oo Dr.Farole ku micneeyey inay dhirigelin u noqoneyso ka qawleysiga biyaha Somalia iyo kuwa ka baxsanba.
Dowladda Demarka ayaa ka mida deeqbixyaasha wax ka wada dhismaha Xabsiga Garowe iyo kan la dhameeyey ee Qardho ,waxana Puntland uga mahadcelisey dadaalka ay kula jirto sidii loo soo afjari lahaa kooxahan.