Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Dr.Farole oo la kulmey Yuri Fedetov

GAROWE ONLINE

Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 19 November,2012 waxa soo gaarey wafdi caalami ah oo ka socdey Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub waxana horkacayey Agaasimaha guud ee Hayada UNODC Yuri Fedetov.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen Cabdisamad Cali Shire ,wasiirada xukuumadda ,taliska booliska , asluubta iyo weliba safiiro iyo saraakiil ka socdey shan dalka oo Yurub ka tirsan ayaa ka qaybgalay xaflada xariga looga jarayey dhismaha taliska ciidanka asluubta Puntland.

Sidoo kale waxay madaxda iyo masuuliyiintu dhagax dhigeen dhismaha Xabsiga Garowe oo shaqadu bilow ka tahay iyadoona la soo diyaariyey calamada dalalka dhaqaalaha ku bixinaya dhismaha xabsiga oo kala ah Britain ,Holland ,Denmark ,Norway iyo weliba Finland.

Qado sharaf wafidga loogu talo galay ayaa Hotelka Rugsan Square ee magaalada Garowe kula qaateen madaxda iyo masuuliyiinta Puntland ,waxana intaasi ka dib loo dareerey dhanka wasaarada cadaalada Puntland oo dhismeheeda cusub xariga mar kale ay ka jereen Dr.Farole iyo Yuri Fedotov.

Kulan ayaa u xigey Qaramada Midoobey iyo Puntland isla yeesheen iyagoona intaasi ka dib shir saxaafada ugu qabtey halkaasi.

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu soo dhoweeyey dadaalada ay Qaramada Midoobey ay ku dooneyso in la soo afjaro kooxaha burcad badeeda Somalida isagoona dhankiisa sii adkeeyey in tan iyo markii la doortey 2009 dagaal maamulkiisu kula jire argagixisada iyo burcad badeeda.

Dhankiisa ayaa Yuri waxa uu ka waramay hawlaha ay qabato Hayada UNODC laga soo bilaabo diyaarinta xabsiyada ,wacyigelinta dhalinyarada iyo weliba maxaabiis ay dhowaan ka keeni doonaan dalalka Seychelles iyo Mauritius.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey xoojinta iskaashiga la-dagaalanka burcad badeeda iyo weliba dardargelinta hawsha dhismaha xabsiyada iyo kor u qaadida tayada laamaha amaanka iyo hawlwadeenada waaxyaha dowladda ee xiriirka la leh.

Wafdiga ayaa galabta dib Nairobi uga laabtay magaalada Garowe,Waxana hayada UNODC u qaabilsan tahay Qaramada Midoobey barnaamijka la-dagaalanka burcad badeeda (Counter-Piracy Programm).

























Halkan ka dhageyso codadka madaxweynaha Puntland & Madaxa UNODC


RELATED:
RG oo laga furay Bossaso
Imtixaanka shahaadiga oo beri ka furmaya Puntland
Wasiirada IGAD oo ku shiray Addis


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Radio Garowe launches new FM station in Bossaso
BOSSASO, Somalia May 24, 2013 (Garowe Online)

Deadly battles in central Somalia between Al Shabaab and nomads

Violence in Somalia scares investors, aid workers

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us