Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Dr.Farole oo la kulmey odayaasha

GAROWE ONLINE

Magaalada Qardho ayaa galabta 23 November,2012 waxa kulan ku dhaxmarey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ,waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Puntland.

Wasiiro ay ka mid yihiin Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan ,Deegaanka Cabdiqani Yuusuf Cadde ,wasiiru dowladaha dekedaha Cabdiqani Salaad ,wasiiru dowladaha Sharciyada Gen.Yuusuf Axmed Kheyr ,xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda gobolka ayaa kulankan dhinacooda qayb ka ahaa.

Iswareysi ,kala xog qaadasho iyo xaaladaha dalku meesha uu marayo ayaa uu ku saabsanaa kulankii galabta oo soo abaabuleen maamulka gobolka iyo kan degmada Qardho.

Maxamed Siciid Hogamo Roor ayaa bilowgii ku dheeraadey xaalada degmada ,baahiyaha ay tabanayaan iyo weliba warbixin guud oo ku saabsan Qardho.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusey in madaxweynuhu shirar iyo kulamo kala duwan la gelidoono waxgaradka ku dhaqan Qardho iyo qaybaha bulshada.

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Farole ayaa dhankiisa sheegey in maalmo sii joogi doonaan Qardho si dhab ahna uga wada hadli doonaan xaaladaha jira ee degmada iyo guud ahaan Puntland.

Waxa uu sheegey in Qardho la mid tahay magaalooyinka kale ee Puntland islamarkaasina nasiibkeeda ku leedahay waxqabadka dowladda isagoona si gaar ah u xusey Xabsiga Magaalada in maamulkiisu gacan weyn ka qaatey hirgelintiisa.

Dr.Cabdiraxman Farole ayaa soo hadal qaadey arrinta waayadan danbe hadalkeedu badanyahay ee Sanadka Xukuumadda jirta uga dhiman shaqada ,waxana uu tilmaamay inaysan cidna qasbeyn xoogna wax ku raadineyn balse ay tahay arin dastuuri ah oo dhamaan goob joog loo ahaa marki la ansixinayey dastuurka.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ee magaalada Qardho ayaa lagu wadaa ina kulamada ka sokow madaxweynuhu tago xarumo muhiim ah oo ku yaal magaalada.




















RELATED:
Maxkamada Bossaso oo ku riday xukuno Jariifayaal
DF oo ka hadashay go’aankii SL
TPEC oo shaacisay xiliga doorashada


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland police receive gender violence training
GAROWE, Somalia May 19, 2013 (Garowe Online)

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us