From Garoweonline.com

Wararka
Madaxweynaha PL oo booqasho kadis ah ku tagey Mareero
By
Feb 11, 2009 - 12:41:21 PM

Madaxweynaha Puntland oo la socda ciidamada howlgalkaan ka qayb qaatey
Madaxweynaha DGPL Ca/raxman Maxamad Farole, ku-xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Yusuf Axmad Khayre iyo taliye-yaasha ciidamada Booliska gobolka ayaa booqasho kadis ah ku tagey Xeebta Mareero oo dhinaca Barri kaga beegan magaalada Bosaso.

Mareero oo ah goob laga dhoofiyo dadka tahriibayasha ah ayaa markii uu Madaxweynaha DGPL gaarey halkaas waxaa ka baxsadey doon kuwa dheereeya ah taasoo ay sarnaayeen koox burcad badeed ah..

Doonyihii lagu soo qabtey howlgakaan
Kooxihii ka baxsadey goobtaas ayaa halkas uga tagey labo saxiimadood, 7 Matoor kuwasoo ah kuwa loo isticmaalo doonyaha, Shidaal farabadan , 6 Salaan oo ah kuwa lagu fuulo Maraakiibta, raashin, Xargo, iyo qalab kale loo isticmaalo tahriibta & burcad badeednimada.

Madaxweynaha PL, ku-xigeenkiisa iyo ciidamo farabadan ayaa caawa fiidkii qalabkii & Maxbuus lagu soo qabtey goobtaas waxey keeneen gudaha dakada Bosaso halkaas oo ay warsaxafdeed ku qabteen.

Mud.Cabdiraxman Farole oo la hadlayey saxafada ayaa sheegey in Kormerka kadiska ah ay ku tageen Mareero uu ahaa mid lagaga hortagayo falalka sharci darada  ee ka socda xeebaha Puntland kuwaasoo isugu jira burcad badeed-nimo & Tahriibta.

Madaxweynaha PL ayaa hoosta ka xariiqey in Xukuumadiisa la dagaalmeyso kooxaha ka qowleysta xeebaha Puntland isaga oo sheegey in howlgalkaan yahay mid bilow ah.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Yusuf Axmad Khayre oo taagan gobaha hoyga u ah Burcad badeedka
Dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha Gudaha Yusuf Axmad Khayre oo ka hadlay Warsaxadeedkaan ayaa tibaaxey in Xukuumada Puntland dagaal la galeyso kooxahaan burcada ah isaga oo beesha caalamka ka codsadey in ay ku tageeraan sidii loo joojin lahaa falalkaan sharci darada ah.

Wasiir-kuxigeenka arrimaha Gudaha ayaa saxaafada u sharxay qoraal laga heley goobta kooxahaan ka baxsadeen kaasoo ahaa mid ay ku qaybsanayaan lacagaha laga soo helo Markiibta madax furashada laga qaato..

Ku-xigeenka arrimaha gudaha ayaa warsaxafdeedkaan kadib ku casumey saxaafada iney sawiro ka qaatan qalabkii gacanta lagaga soo dhigey kooxahan kaas u muuq diyaar u ahaa in lagu fuliyo falal burcad-nimo.

Madaxweynaha Puntland ayaa doorashadii Jan 8,2009 waxaa balan qaadyadiisa waxaa kamid ahaa la dagaalanka burcad badeednimada.

RADIO GAROWE



http://www.garoweonline.com