Dr.Farole oo la kulmey beeldajaha Bari 2 Dec 2, 2012 - 3:35:32 AM
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 02 December,2012 xarunta madaxtoyada Bossaso ku qaabiley beeldajaha Cal Bari islamarkaasina ah hogaamiye dhaqameedka ugu sareeyaa Beesha Siwaaqroon Beeldaaje Ismaacil Beeldaaje Yaasiin.
Beeldaajaha ayaa Garoonka diyaaradaha Bossaso si weyn loogu soo dhoweeyey ,waxana ka dib markii uu magaalada yimid kulan kooban la yeeshey madaxweynaha ,iyadoona beeldajaha ay la socdeen waxgarad ,dhalinayro iyo haween.
Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland Salaad Xareed Cali ,wasiirka beeraha Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa ka mid ahaa ka qaybgalayaashii kulankan.
Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Bari ayaa shirar uu la leeyahay madaxweynuhu ,waxana lagu wadaa in dhowaan lagu qabtey Madxtoyada xaflad balaaran oo dowladu ku soo bandhigeyso qorshaha ay damacsantahay sanadka 2013 madaama 2012 uu gabaabsi yahay.