From Garoweonline.com

Wararka
Madobe oo ka dhoofay Baydhabo
By
Oct 12, 2008 - 2:54:35 AM

Guddoomiyaha Baarlamaanka DF Sheekh Aadan Max'ed Nuur [Madoobe] iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Baydhabo isagoo u kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Aadan Madobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa kusii sagotiyay garoonka Baydhabo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo maamulka Gobolka Bay, mana jiraan wax hadal ah oo uu siiyay saxaafada.

Ilo wareedyo ku dhow gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in socdalka Sheekh Aadan Madoobe uu salka ku hayo ka qaybgalka shirkii ay IGAD ku baaqday oo ka furmaya Nairobi [Oct 27, 2008].

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa horay u sheegay inuusan waxba ka ogeyn shirka ka furmkaya Nairobi waxa uu ku saabsan yahay, isagoo diiday in DF la isku shaandheynayo.

Socdaalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan ay halkaas ka dhoofeen mudanayaal badan; halka mudanayaashii harayna ay kulamo gaargaar ah ku lahaayeen Baydhabo, kuwaasoo aan la garanayn ujeedadooda.

Urur Gobolkeedka IGAD ayaa lagu wadaa inay Madaxda DF iyo mudanayaasha Baarlamaanka ay kula kulmaan Nairobi, iyadoo shirkaas ujeedadiisa dhabta ah aan si cad loo baahin.
 
Garowe Online, Baydhabo


http://www.garoweonline.com