Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM
Wararka
Markab lagu afduubey xeebaha Somalia


Markab laga leeyahay dalka Malaysia oo nooca saliida xambaara ah ayaa lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Somalia, iyadoo la rumeysan yahay inay afduubayaashu ahaayeen Somali.

Shirkadda markabka iska leh oo Malaysian ah ayaa sheegtey in uu ku socday dalka Holland, gaar ahaan Rotterdam, wuxuuna kasoo shiraacday  Jasiirada Sumatra ee dalka Indonesian.

Markabka ayay shaqaalihiisu kala ahaayeen 29 Malaysian ah iyo 10 Filipinos ah, sida ay sheegtay shirkadda markabkaan iska leh, iyadoo xusay inaysan jirin cid weli la soo xiriirtay.

"Burcadbaded aad u hubeysan ayaa markabka afdubay, waxaana la qafashey saacada 14:09, Aug 19, 2008. afduubayaashuna waxay ula dhaqaaqeen goob aan la garanayn oo u dhexeysa Somalia iyo Yemen" ayaa laga soo xigtay shirkadda Markabka iska leh.

Afdubayaasha ayaa inta badan sheegta lacago qaali ah, marka ay hubsadaan inay markab gacanta ku dhingeen, taasoo walwal weyn ku haysa shirkada.

Markabka ayaa waday saliid qumbe culeyskeedu gaarayo 32,000 tonnes, kaasoo qiimihiisa lagu qiyaasay $2.5 million, marka loo eego qiimaha saliidan ay caalamka ka marayso.
 
"Waa Markabkii afaraad oo biyaha calaamka lagu afduubo Markab bishaan oo qura" ayuu yiri Noel Chong oo ah madaxda hay'adaha badaha caalamka ee International Maritime Bureau [IMB], kaasoo ku sugan Kuala Lampur - Malaysia.

Mr. Noel Chong, ayaa intaas ku daray: "Waxaan ugu yeeraynaa UN-ka inay talaabo deg-deg ah ka qaataan xaalada sii xumaanaysa ee afduubka Maraakiibta".

Horay ayay dalalka Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Britain, Canada iyo Bakistaan u sheegeen inay wax ka qabanaayan burcad badeeda sii xoogeysanaysa ee biyaha Somalia; balse ma jiraan weli talaabooyin horay loo qaaday.

Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Ciyarihii Gobollada oo ka furmay Garowe
R.Resource oo lagu xiriiriyey Burcada
Yusuf oo la kulmay Al-bashiir

Advertisement
  Click here to find the right student loan for you!

Puntland offers up a Range of possibilities

EDITORS PICK:

Islamists threaten attack if Kenya deploys troops
KISMAYO, Somalia Nov 20 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us