Maamulka degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayuu soo dhexgalay khilaaf
ka dhashay canshuuraad laga ururiyay ganacsatada Degmadaas, iyagoo
khilaafkan uu gaaray meel sare.
Khilaafkan oo si hoose ku bilowday ayaa dibada u soo baxay, iyadoo
ciidamada canshuuraadka ee Baydhabo ay ku eedeeyeen gudoomiyaha degmada
inuu gacanta la soo galay howlo uusan shaqo ku lahayn.
"Canshuuraadku waa kuwo u gaar ah ciidamada ku howlan, waxaana
nagala hadli kara oo keliya maamulka sare ee Gobolka" sidaa waxaa
saxaafada u sheegay sarkaal ka tirsan Minishiibiyada Baydhabo oo
magaciisa qariyay.
Sarkaalkan wuuxu sheegay in lacagaha ay doonayaan inay dib ugu
dhisaan degmada, balse gudoomiyaha Baydhabo uu doonayo inuu jeebka ku
shubo, taasna ay tahay mid ay diidan yihiin.
Xasan Macallin Axmed
[Biikole] oo ah gudomiyaha Baydhabo
ayaa isagana ku dooday in ciidmada canshuuraadka Baydhabo aysan ku
shubin lacagaha ay ururiyaan khasnadda gobolka.
Biikole, wuxuu ku eedeeyay saraaakiisha dowlada hoose ee Baydhabo
inay lacagaha u isticmaalaan si shaqsi ah; markii uu kala hadlayna ay
si xun ula hadleen, isagoo meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u
dhexeeya isaga iyo saraakiisha minishiibiyada.
Maamulka Gobolka Bay ayaan isaguna waxa faragelin ah ku sameyn
khilaafkaan soo shaac baxay ee u dhexeeya saraakiisha dowlada hoose ee
Baydhabo iyo gudoomiyaha degmada.
Shacabka Baydhabo ayaa laga qaadayay lacago canshuuraad ah tan iyo
markii ay DF halkaas saldhig ka dhigtay, iyadoo shacabka loo sheego in
lacagaha lagu horumarinayo gobolka.
Garowe Online, Baydhabo