From Garoweonline.com

Wararka
Mamulka degmda Baydhabo oo iskhilafay
By
Oct 11, 2008 - 7:48:40 AM

Maamulka degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayuu soo dhexgalay khilaaf ka dhashay canshuuraad laga ururiyay ganacsatada Degmadaas, iyagoo khilaafkan uu gaaray meel sare.

Khilaafkan oo si hoose ku bilowday ayaa dibada u soo baxay, iyadoo ciidamada canshuuraadka ee Baydhabo ay ku eedeeyeen gudoomiyaha degmada inuu gacanta la soo galay howlo uusan shaqo ku lahayn.

"Canshuuraadku waa kuwo u gaar ah ciidamada ku howlan, waxaana nagala hadli kara oo keliya maamulka sare ee Gobolka" sidaa waxaa saxaafada u sheegay sarkaal ka tirsan Minishiibiyada Baydhabo oo magaciisa qariyay.

Sarkaalkan wuuxu sheegay in lacagaha ay doonayaan inay dib ugu dhisaan degmada, balse gudoomiyaha Baydhabo uu doonayo inuu jeebka ku shubo, taasna ay tahay mid ay diidan yihiin.

Xasan Macallin Axmed [Biikole] oo ah gudomiyaha Baydhabo ayaa isagana ku dooday in ciidmada canshuuraadka Baydhabo aysan ku shubin lacagaha ay ururiyaan khasnadda gobolka.

Biikole, wuxuu ku eedeeyay saraaakiisha dowlada hoose ee Baydhabo inay lacagaha u isticmaalaan si shaqsi ah; markii uu kala hadlayna ay si xun ula hadleen, isagoo meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo saraakiisha minishiibiyada.

Maamulka Gobolka Bay ayaan isaguna waxa faragelin ah ku sameyn khilaafkaan soo shaac baxay ee u dhexeeya saraakiisha dowlada hoose ee Baydhabo iyo gudoomiyaha degmada.

Shacabka Baydhabo ayaa laga qaadayay lacago canshuuraad ah tan iyo markii ay DF halkaas saldhig ka dhigtay, iyadoo shacabka loo sheego in lacagaha lagu horumarinayo gobolka.

Garowe Online, Baydhabo


http://www.garoweonline.com