Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Mansuur oo dagaalka wadaya


Sh. Mukhtar Roobow Cali [Abu-Mansor] oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa ka sheegay Muqdisho inay dagaalka sii wadayaan inta ay dalka ka saarayaan ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay dalka kusoo duuleen.

"Dagaalka aan ku jirno waa jihaad, waxaana wadaynaa inta aan ka dhimanayno ama aan ka gaarayno guusha, taasoo ah inaan dalka ku xukuno diinta Islaamka" ayuu yiri Sh. Mukhtar Roobow Cali [Abu-Mansor], .

Hogaamiyahan ka tirsan Al-shabaab ayaa gaashaanka ku dhuftay bayaan kasoo baxay shir ay culumo Islam ah ku yeesheen dalka UAE, wuxuuna ku tilmaamay hadalkaas mid aan la aqbali karin.

Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culumadii shirkaas ka qaybgalay ayaa sheegay in bayaankii kasoo baxay shirkaas lagu qeexay in dagaalada ka socda Somalia aysan ahayn Jihaad.

"Qodobada bayaanka shirkii culumada kasoo baxay waxaa ka mid ah in DF ay tahay xukuumad Islaami ah oo aan lagu tilmaami karin xukuumad Rido ah, sidoo kalena uu yahay dagaalka socda mid fidno ah" ayuu yiri Sh. Nuur Baaruud.

Mas'uulka u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid aanay dhageysanayn, wuxuuna sheegay in dagaalka uu soconayo, dadka hadalkaan soo saarayna ay yihiin kuwo dantooda gaaray.

"Ciidamada Al-shabaab waxaan ugu baaqayaa inay dagaalada sii wadaan, waayo dagaalka ay ku jiraan waa Jihaad, hana dhageysanina hadalada noocaas oo kale ah oo ay baahiyeen BBC-da iyo VAO-da" ayuu yiri hogaamiyaha labaad ee Al-shabaab.

Dhanka kale, Sh. Mukhtar Robow wuxuu sheegay in dadka rayidka ah laga doonayo inay dagaalada ka qaybgalaan ama ay u duceeyaan ciidamadooda, isagoo sheegay in dadka ay ku jiraan kuwo taageersan DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us