From Garoweonline.com
Mas'ul ka tirsan Al-Qacida oo la diley
By
Feb 9, 2010 - 5:14:39 AM
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay in sarkaal Al-Qaacida ka tirsan oo u dhashay dalka Urdun kana mid ahaa hogaamiyeyaasha Al-Shabaab lagu toogtay Muqdisho habeenkii Isniinta ee todobaadkan.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo Camaar Ibraahim ayaa waxaa toogtay qaar ka mdi ah ilaaladiisa gaarka ah, kadib markii uu muran soo dhexgalay, iyadoo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay xaqiijiyeen dilka sarkaalkaas.
Radio Muqdisho oo taageera DF ayaa sheegay Isniintii in sirdoonka DF ay ka heleen warka ku aadan in la dilay sarkaalkan oo isaga iyo ilaaladiisa ay ku murmeen lacago la sheegay inay weydiisteen.
"Rasaas aad u badan ayaan maqlay, dibada ayaan u soo baxay waxaan arkay qof dhulka yaala, waxaana goobta ka qaaday daqiiqado kadib gaari yar" ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaal uu soo xigtay Radio Muqdisho.
Mas'uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab oo diiday in magacooda la xuso ayaa sheegay inay jirto dilka loo geystay sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan hogaamiyeyaashooda, iyagoo kusoo koobay magaciisa Ibraahim.
Xaafada uu dilka ka dhacay oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ayaa waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, iyadoo saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dilka sarkaalkan u dhashay dalka Urdun.
Warar ayaa sheegaya in sarkaalkan uu ahaa mid lagu badalay Saalax Nebhan oo ay ciidamada Mareykanka ay ku dileen Gobolka Sh/hoose, isagoo kusii socda degmada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.
Sarkaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ku dhinta gacanta ilaaladiisa gaarka ah, iyadoo arintan ay shaki weyn ku keentay Ururka Al-shabaab oo ah kooxda ugu awooda badan ee dagaalka kula jirta DF iyo AMISOM.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com