Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Mas'uul ka warbixiyay dorashada S/land


Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi , ayaa maanta ka hadlay halka ay u marayso hawlihii u diyaar garawga doorashada Madaxtooyada iyo kala shaandhaynta macluumaadkii diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada, ee natiijadii ka soo baxday lagu murmay.

Shir jaraa`id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu arrimahaasi kaga hadlay ayaa waxa uu yidhi: "Waxay wax inoo marayaan waad ogaydeen oo waxaanu soo dhisnay dhawaan maamulkii gobolada iyo degmooyinka ee dalka, muddo laba todobaad ah ayaanu arrintaa ka soo shaqaynaynay bari iyo galbeedba waanu dhamaystirnay, si fiicanna way noogu soo dhamaatay iyada oo aanu isku waafaqsanahay xisbiyada qaranka ee arrintani khusayso, way iska jirayaan cabashooyinku meel kastaba, laakiin waxaan idiin sheegayaa anaga iyo asxaabtu wax khilaaf ah oo arrintaa ku saabsan nama dhex yaalo."
 
Waxa kale oo uu ka hadlay warar la isla dhex maraayay oo sheegayay in dhawaan la keeni doono magaalada Hargeysa kaadhadh kale oo cusub kuwaasi oo lagu codayn doono maadama oo kuwii hore fashilmeen waxana isaga oo arrintaasi ka hadlaya uu yidhi: "Waxaad maqasheen ama dadwaynuhu maqlay in la bixinayo kaadhadh cusub oo lagu footeeyo, waa xaqiiqo jirta arrintaasi, hore ugamaanaan waramin arrintaas Komishan ahaan, sababta aanu uga waramiwaynayna waxa weeye xeerka inoo yaala ayaa waxa uu dhigayaa, Komishanka ayaa bedeli kara oo soo saari kara kaadhadhka. Waxanu la tashanay wasaaradda arrimaha gudaha iyo xisbiyada qaranka. Isla markaana waxaanu sugaynay kharashkii lagu soo daabacayo kaadhadhka.

Ma sheegin afhayeenku goorta ay dhacayso doorashada Madaxtooyada Somaliland waxana uu si kooban u yidhi marka ay soo baxdo natiijadu ayaanu sheegi doonaa maalinta doorashada.
 
Maxamed Jamaal, Garowe Online
Hargeysa

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us