Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Mas'uuliyiin lagu weeraray Leego

Dagaalyanada Al-shabaab ayaa maanta ku weeraray Gobolka Shabeelada Hoose Xubno ka tirsan DF oo Deegaano Gobolkaas ka tirsan u tahay dib u heshiisiin ay soo dhexdhigeen dad reer miyi ah oo ku dagaalamay waraha biyaha lagu kaydsado.

Mas'uuliyiinta la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolkaas C/qaadir Maxamed Siidii, laba ku xigeenadiisa ka mid ah iyo xildhibaan Daahir Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DF.

"Weerarku waxaa nalagu soo qaaday 1:00 duhurnimo ee Maanta xili aan maraynay inta u dhexeysa Deegaanada Leego iyo Yaaqbari-weyne; waxaana weerarka nagu soo qaaday kooxo ka haray Al-shabaab. Dhankeena waxaa nooga dhaawacmay dagaalka afar Askari iyo aniga oo dhaawac fudud uu isoo gaaray" ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose oo saxaafada la hadlay dagaalka kadib.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay Askarta dhaawacmay ay laba ka mid ahaayeen ciidamadii AMISOM ee ilaalinayay iyaga iyo laba askarta Somalida ka mid ahaa, isagoo intaas ku daray inay arkeen maydad laga dilay Al-shabaab.

"Dagaalku wuxuu socday qiyaastii 45 daqiiqo, waxaana markii uu dhamaaday aan aragnay geerida Xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jireen kuwo Ajnabi ah" ayuu yiri C/qaadir Siidii oo sheegay inay kazoo gudbeen halkii dagaalku ku qabsaday.

Warar kale ayaa sheegaya in Gaari ay wateen ciidamada DF lagu gubay dagaalka iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay iska caabiyeen weerarka Kooxda Al-shabaab oo u muuday mid Qorsheysan.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay khasaare badan ku gaarsiiyeen ciidamada DF iyo kuw AMISOM, inkastoo aysan sheegin lambarka ciidan ee ay dileen.

Ma jirto khasaare ay Al-shabaab sheegtay inuu dhankooda kasoo gaaray dagaalka, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaalo dhowr ah oo ay Al-shabaab ku qaaday ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo bishii hore gaaray deegaanadaas.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Gudiga kormeerka oo la mgacaabay
Puntland ayaa ka hadashay weerarkii UNDP Muqdisho
Barlamanka oo ka doodaya Guardfu


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: UN compound siege in Mogadishu by Al Shabaab kills 15
MOGADISHU, Somalia Jun 19 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon condemns attack on UN compound

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us