Mashaariic ka socota Baargaal 11 Jan 11, 2013 - 1:26:56 AM
GAROWE ONLINE
Degmada Baargaal ee gobolka Bari ayaa dhowaanahan waxa ka socday mashaariic horumarineed kuwaasi oo ay iska kaashanayaan Dowladda Puntland iyo hayadaha ka shaqeeya horumarinta.
Ilaa 400KM ayay dhanka bari ka xigtaa Bossaso ,waxana horey fariisin u ahayd Burcad badeed ka hor intaan ciidanka Badda Puntland ka sifeyn sanadkii tagay ee 2012.
Gudoomiyaha degmada Baaargaal Axmed Maxamuud Axmed Guray oo Radio Garowe wareysatey ayaa sharaxaad ka bixiyay mashaariic mudo ka socotay Degmada Baargaal taasoo ay iska kaashanayaan Puntland iyo hayado ay ka mid yihiin DAI iyo USAID.
Waxa uu sheegey gudoomiyuhu in meel wanaagsan marayaan mashaariicdu haatan ,gacantana ay ku hayaan dhismaha Dowladda hoose ee degmada Baargaal ,goobo caafimaad kuwo waxbarasho oo xariga dhowaan laga jarayo.
Amaanka ayuu ka hadlay oo mid aad u heer sareeyaa tan iyo markii ciidanka badda Puntland ay fariisinka ka sameysteen July2012.
Maraakiib Iran iyo Yemen laga leeyahay ayuu xusey in faro ba’an ku hayaan xeebaha Degmada kuwaasi oo ka kaluumeysta.
Halkan ka dhageyso SIciid Axmed oo wareystey Gudoomiyaha Baargaal