Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
Askar DF oo Toogasho lagu fuliyay

Maxkamada Ciidamada DF ayaa xukun dil ah ku fulisay 3-askari oo ka tirsan ciidamada DF, kuwaasoo laba ka mid ah ay isla dhasheen, halka midka kalena uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga Somalia.

Askartan ayaa la xukumay sanadkii hore kadib markii lagu helay inay dileen dad shacab ah iyo askar ka tirsan ciidamada DF, waxaana toogashadan ay noqonaysaa tii labaad oo lagu fuliyo Askar tan iyo markii uu sanadkan cusub dhashay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada DF Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in askartan la toogtay ay ahaayeen kuwo horay loogu xukumay dil toogasho, lana dili doono askari walba oo lagu helay inuu si aan macno lahayn u dilo dadka shacabka ah iyo askarta kale ee las haqeynaysa.

“Maxkamada Ciidamada DF waxaa ka go’an inay toogasho ku fuliso askari kasta oo dil lagu helo. Sidoo kale waxaa la toogan doonaa qof walba oolagu xukumo dil toogasho, taasoo dambi lagu helo” ayuu yiri Gen. Xasan Maxamed Xuseen [Mun-gab] oo warbaahinta kula hadlay goobta uu dilku ka dhacay.

Dadweyne badan iyo Mas’uuliyiin DF ka tirsan ayaa ku sugnaa goobta uu ka dhacay dilka, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysa oo Maxkamada ay dil noocan oo kale ah ku fuliso askar dowlada ka tirsan.

Askarta la toogtay ayaa laba ka mid ah oo walaalo ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulaahi Cumar Katiir iyo Cabaas Cumar Katiir, kuwaasoo da’doodu ahayd 26 iyo 28 sano, waxaana lagu helay inay toogteen laba qof oo shacab ah oo midkood uu dhagool ahaa.

Labadii sano ee ugu dambeysay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay dilal toogasho oo lagu fulinayay ciidamo ka tirsan DF, kuwaasoo lagu helayinay geysteen dilal iyo kufsi, iyadoo tani ay yareysay dilalka aan macnaha lahayn oo ka dhacayay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Somaliland oo qabsatay Hol-hol kuna wajahan Taleex
Yarisow oo Villa Somalia iska-casilay
G. Bankiga oo la magacaabay


Advertisement
 

Vacancy Anouncment Legal Advisor for the Puntland House of Representatives

EDITORS PICK:

Somalia: Acting Boss named to head Central Bank

MOGADISHU, Somalia April 24, 2014 (Garowe Online)

Somalia: Federal Govt troops foil attack on police station in central town

Somalia: Night raid operation targets senior Al Shabaab officials

UN envoy to Somalia condemns MP, journalist murder in Mogadishu

Somalia: Burundi President arrives in Mogadishu on first visit

Somalia: Puntland Police arrest former Federal MP

Somalia: Former warlord refuses to lay down arms

Somalia: Bomb blast in Mogadishu kills Federal MP

Somalia's President stresses need for stability at National Conference on Security

Somalia: Khat plane veers off runway in central town

Somalia: Puntland Defence Forces urged to confront Somaliland, Al Shabaab

Somalia: Military in deadly battle with police in Middle Shabelle

Somalia: Al Shabaab fighters ambush Federal Govt troops in Bay, 6 militants killed

Somalia: Ugandan Guard Unit arrives in Mogadishu for UN personnel, bases protection

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us