Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Feb 11, 2014 - 5:11:05 AM
Wararka
DF oo Askar ku toogatey Muqdisho

Maxkamada Ciidamada DF ayaa maanta 16 January,2012 dil ku fulisay 2 Askari oo ka tirsan ciidamada DF kuwaasoo horay loogu helay laba dambi oo kala ahaa Dil iyo Kufsi, waxaana xukunkooda uu maanta ka dhacay Iskoolka Booliiska oo ay ku taalo goobta dadka lagu toogto.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada DF Liibaan Yaroow oo markii uu dhacay xukunka la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in labadan askari ay ka hor-qirteen Maxkamada dambiyada lagu soo eedeeyay sidaasna lagu dilay.

Toogashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidamada DF oo uu ku jiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Somalia, waxaana labada wiil ee la dilay lagu kala magacaabi jiray: Jamaal Axmed Cabdulqaadir oo Ciidamada Booliiska ka tirsanaa laguna eedeeyay dil.

Askariga kale ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cismaan Magan oo ahaa Askari Milateri ah waxaana lagu helay inuu kufsaday Haweeney lagu magacaabo Nuuro Cadoow Cali.

“Dilka Askartan waxay cadeyn u tahay in Dowladu aysan ogolaan doonin in si khalad ah dadka loo dhibaateeyo” ayuu yiri Liibaan Yarow oo sheegay inay uga digayaan Askarta kale ee Dowlada inay dambiyo noocan oo kale ah ku dhacaan.

Gudoomiyaha Maxkamadu wuxuu sheegay in Askarigii lagu helo falalkan oo kale inuu muteysan doono dil toogasho, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo Askari kufsi lagu soo eedeeyay lagu fuliyo xukun dil ah.

Saraakiisha Dowlada ayaa sheegay inay jiraan askar kale oo dilal ku xukuman laguna fulin doono maalmaha soo socda, iyadoo tani aysan ahayn markii ugu horeysay oo Askari lagu xukumay dil lagu fuliyo xukunkaas.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Wasiirro PL ah oo booqday meesha lagu asay Saado Cali
PL oo la heshiiyay Yeman iyo Jabuuti
Wasiiro PL ah oo Muqdisho aaday


Advertisement
 

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: State Funeral held for popular musician, MP Saado

MOGADISHU, Somalia July 24, 2014 (Garowe Online)

Somalia: MP murder sparks widespread condemnation

United States Condemns the Killing of Somali MP Saado Ali Warsame in Mogadishu

Somalia: Female MP gunned down in Mogadishu amid Ramadan rampage

Somali lawmaker shot dead in drive-by shooting

Somalia: Kenya warplanes target Al Shabaab hideouts again

Somalia: Federal Govt mediates between warring militias in Hiraan

Somalia: Puntland parliament passes controversial media bill

Somalia: Puntland President not adamant about domestic, external threats [Editorial]

Somalia: Puntland Govt seeking to contain polio spread

Somalia's al Shabaab claim responsibility for Kenya bus attack

Somalia: Federal Govt forms technical committee for south-west state

Somalia: Jubaland forces clash with Al Shabaab militants

Somalia: Allied forces, Al Shabaab clash in deadly battle near Qoryoley

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us