|
|
|
|
| Last Updated: Nov 3, 2008 - 11:09:50 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Maxkamada Hargeysa oo dacwad diidey
19 Aug 19, 2008 - 8:13:14 AM
|
Maxkamadda Gobolka ayaa sheegtay in aysan awood u laheyn dhageysiga dacwada xukuumadda Somaliland ku soo oogtay Guddoomiye kuxigeenkii Doorashooyinkii Somaliland ee xilka iska casilay Xersi Cali Xaaji Xasan oo haatan ku xiran magaalada Hargeysa.
Xersi ayaa lagu soo eedeyay inuu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabab ee ka dagaalama Koonfurta dalka Somaliya, iyadoo ilaa iyo hada aysan jirin Maxkamad la hor keenay.
Dr. C/raxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray ku sheegay in Maxkamadda awoodin dhageysiga dacwada lagu soo oogay Xirsi Cali, qoraalkaasi oo aan Saxaafadda loo qeybin balse si qarsoodi ah u soo bandhigtay warbaahinta Somaliland.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa todobadkii hore qoraal ka yimid Taliyaha Ciidamada danbi baarista ee CID-da u soo gudbiyay kaasoo uu ku codsanayey in loo dheereeyo mudada baarista edeysane Xersi Cali inta Maxkamadda awooda u leh ay horgeynayan.
Garowe Online,Hargeysa
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|