Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Meles Zenawi oo la kulmaya Efewerki


Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu la kulmo Madaxweynaha dalka Eritrea Issias Efewerki, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo xili walba iyo kulana kulmo goob walba.

"Diyaar ayaan u ahay inaan la kulmo Efewerki, meel walba oo uu doonayo ayaan kula kulmayaa, waxaana diyaar u ahay in la dhameeyo khilaafka labada dal" ayuu yiri Meles Zenawi.

Mas'uuliyiinta Eritrea ayaa ku eedeeyay dhawaan in Xukuumada Zenawi ay ka hor-istaagtay in dalkaas uu ka qaybgalo shirkii Midowga Afrika ee lagu qabtay Addis Ababa, iyadoo Zenawi uu gaashaanka ku dhuftay hadlakaas kuna tilmaamay been.

"Haddii Eritrea ay soo dirsan lahayd wafdi uga qaybgala shirkii Midowga Afrika, xitaa hadii uu hogaaminayo Madaxweynaha dalkaas, waxaan u soo dhaweyn lahaa sida aan u soo dhaweeyay madaxdii kale ee shirka ka qaybgalay" ayuu yiri Zenawi.

Dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo daris ah ayaa waxaa u dhexeeya dagaalo socday 10-sano, kuwaasoo ay ku dhinteen 70,000-qof oo labada dhinac kasoo kala jeeda, iyadoo khilaafkooda uu ka dhashay lahaansha deegaanka Badhame oo ku yaala Xuduuda labada dal.

"Cid walba oo isku dayaysa inay soo celiso xiriirka labada dal ee dariska ah waan la kulmayaa" ayuu yiri Meles Zenawi oo sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu la heshiiyo Eritrea isagoo ku tilmaamay dal ay walaalo yihiin.

"Waxba kama qabo xitaa haddii aan kula kulmo Efewerki garoon diyaaradeed" ayuu hadalkiisa raacliyay Meles, isagoo ka gaabsaday inuu ka jawaabo su'aal ahayd inuu kala hadlayo hadii ay kulmaan muranka xuduudeed ee weli ka dhextaagan labada dal.

Qaramada Midoobay ayaa cunoqabateyn saartay [Dec 2009] dalka Eritrea, kadib markii lagu eedeeyay inay gacan siiyaan xoogaga ka dagaalama gudaha Somalia, iyadoo cunoqabteyntaas ay Ethiopia taageertay.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us