|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Midowga Yurub oo u digey DF Somalia
9 Feb 9, 2012 - 2:13:33 AM
|
Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxda Somalia looga baahanyahay inay horey u wadaan geedi socodka nabadda Somalia hadii ay dhici waydona ay ka xanibi doonaan dhaqaalaha.
Inkastoo guulo DF Somalia ay ka soo hoydey dagaalka ay kula jirta kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab haddan beesha caalamku waxay dareemeysaa in dib u dhac ka jiro dib u habaynta hayadaha dawladda oo muran iyo musuq-maasuq hareeyey.
Alexander Rondos wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika ayaa Reuters ku yiri ‘’intaan iska fariisano ,lacagta iskama bixinayno ,haddi ay dad doortaan inay carqaladeeyaan geedi socodka oo shaqadana isku dhigta waxaan ku darsanaynaa xisaabta ,waana qaabka edboon hadii aan niraahno go’aan ayaa gaareynaa’’.
Rondos ayaa booqasho shalay ku tagey Muqdisho,waxana uu la kulmey madaxweyne Shariif Sh.Axmed iyo Raysal wasaare Dr.Cabdiweli Maxamed Gaas oo iyaga loo xilsaarey samaynta dastuurka Somalia oo ku qeexan yahay doorka barlamanka iyo diyaargarowga doorashooyinka siyaasadeed ee dalka dhamaadka August2012.
Midowga Yurub ayaa ah deeq-bixiyaha ugu wayn Somalia oo lacag ku dhow hal Billion oo Dollar loo qorsheeyey inta u dhaxeysa 2008-2013 sidii wax looga qaban lahaa arrimaha maamul wanaaga ,waxbarashada ,mashaariicda horumarineed iyo mushaharaadka ciidamada AMISOM iyo hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda.
Alexander Rondos ayaa sheegey inay adkaaneyso sidii loogu qancin lahaa Midowga Yurub bixinta lacagyowga hadii aan horumar laga gaarin sugida nabadgelyada inta sanadka lagu jiro.
Muranka ka dhextaagan mudanayaasha baarlamanka ayaa ku noqdey caqabad fulinta qorshe hawleedkii Muqdisho (Road Map) ,waxana in badan oo ka mid ah deeqbixiyaashu ku andacoonayaan in madaxda Somalida qaar doonayn heshiis laga gaaro Golaha Shacabka.
GAROWE ONLINE
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|