Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Miisaaniyada DF oo laga dooday

Xubnaha Baarlamaanka DF ayaa ka dooday maanta [Dec 24, 2012] Miisaaniyada ay ku shaqeynayso 2013, iyadoo xildhibaanadu ay fikrado kala duwan kasoo jeediyeen kulanka oo ugu dambeyn kusoo xirmay buuq ka dhashay habka loo isticmaalayo Miisaaniyada.

Mudanayaal kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Miisaaniyada aysan ahayn mid si cad u faahfaahsan, waxayna codsadeen in dib loogu laabto, halka kuwo kalena ay dalbadeen in isla kulanka lagu ansixiyo.

Meelaha ay Xildhibaanadu aadka uga doodeen ayaa waxaa ka mid ahaa lacagta ku baxaysa xafiisyada madaxda dowlada oo ka badan $12 million, iyagoo dalbaday in lacagtaas la yareeyo loona isticmaalo dhinaca sugida amaanka.

Wasiirka Maaliyada DF Maxamuud Xasan Saleebaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Miisaaniyadu ay tahay mid la jaan-gooyay looguna talogalay in wax looga qabto min Koonfurta Gaalkacyo illaa Jubooyinka.

Hadalka wasiirka kadib ayuu xoogeystay buuqa Xildhibaanada waxaana inta badan Xildhibaanadu ay ku doodayeen inaysan Miisaaniyada ku cadeyn Mushaaraadka la siinayo ciidamada DF ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Miisaaniyada ay Xukuuumada DF ku shaqeynayso halka sano ee soo socda ayuu cadadkeedu ka badan yahay $103 Million, iyadoo mudanayaashii kulanka goobjooga ka ahaa ay u muuqdeen kuwo dhaliilsan habka loosoo diyaariyay Misaaniyada.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 156 Mudane ayaa isku bedelay buuq iyo xildhibaanadu ay is-afla-gaadeeyaan, iyadoo uu markiiba kulanka soo xiray Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka isagoo dalbaday in Beri la isku soo laabto.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Garowe: Dil lagu xakumay ragii dilay Shiikh C/qaadir
Sunta Beeraha oo PL laga digay
Bossaso: Jubaland oo la taageeray


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland court issues death sentences for Islamic Mufti’s killers
GAROWE, Somalia May 23, 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon receives AU Envoy, MPs withdraw confidence vote

Somalia: Meeting held over women’s participation in Puntland elections

Somaliland leader hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa

Somalia: AMISOM begins house searches in Mogadishu: spokesman

Somalia: Puntland president hosts Australia ambassador in Garowe

Somalia: Iranians convicted of illegal fishing in Puntland state waters

Somalia: Puntland police receive gender violence training

Somalia president addresses Somaliland separatism, Jubaland formation

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us