|
|
|
|
| Last Updated: Jul 3, 2009 - 6:04:39 PM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Diidmada lacagta oo go'aanno laga gaaray
6 May 6, 2008 - 2:48:36 AM
|
Dowladda Federaalka Somalia iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxay maanta siyaabo isku-dhow uga hadleen lacagaha shilling Somaliga ah ee la diiday.
Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Cali Xaamud oo shir jaraa'id ku qabtay Villa Somalia ayaa daboolka ka qaaday in DF ay dhiirrigelinayso qaadashada lacagaha Duugoobay ee Shilling Somaliga, isagoo sheegay in lacagta madow ay tahay middii ay ka tagtay Dowladdii hore ee Somalia ayna iyadu sharciga ku dhowdahay, wuxuuna xusay in lacagaha cusub ee been abuurka ah aan la qaadan karin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna ka hadlay diidmada lacagta madoow ee Sh. Somaliga oo bannaabaxyo rabshado wata ka abuuray gudaha Somalia ayaa sheegay inay taasi tahay eed dusha ka fuulaysa Dowladda Somalia, loogana baahan yahay inay Dowladdu arrintaas ka hortagto.
"Dhowr Jeer ayaan ka hadalnay haddaan Baarlamaanka nahay diidmada lacagaha, waxayna hadda u muuqataa inay arrintu gaartay meel aan laga soo celin karin, sidaa daraadeed, dowladdu waa inay tallaabo qaaddo" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo ay caro ka muuqato.
Waa markii Labaad oo uu ka hadalo Sheekh Aadan Madobe diidmada lacagta Somalia, wuxuna sidoo kale hadalkiisan dambe eed dusha kaga saaray ganacsatada Somaliyed oo ku tillaamay inay iyagu hurinayaan arrintaan.
Dhanka kale, kulan ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo looga hadlayay lacagta la diidayo, ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, Culummada, Ganacsatada Suuqa, Guddiga ganacsatada iyo waxgarad kale.
Kulankaan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa is eedeyn kaddib waxaa kasoo baxay qodoobo dhowr ah oo ay ka mid tahay in si shuruud la'aan ah loo qaato lacagta Somaliga, oo ay sheegeen culummadii ka hadashay kulanka inay tahay midda keliya ee Soomaali u hartay.
"Astaanta dal walba waxaa lagu gartaa lacagta, calanka iyo ambaleemada, sidaa daraadeed, lacagta Somaliga waa in la qaato oo ballan lagu galo Alle hortiisa in la qaadanayo oo aan la diidayn, waayo haddii lacagta la diido in lacago kale la qaato ayay noqonaysaa taasna waxaa ku lumaya Somalinimada" ayuu yiri Sheekh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif oo ka mid ah culummadii maanta kulanka ka qaybgashay.
Sidoo kale saraakiil ka socday Shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ayaa waxay goobta ka sheegeen in lacagta Somaliga la qaadanayo, isla markaana ay billaabayaan wixii maanta ka dambeeya in shaqalahooda ay lacagta Somaliga ku siiyaan mushaaraadka, maadaama ay horay ugu qaadan jireen Dollar.
Ma'suuliyiintan ayaa waxay arrintaan ku sheegeen inay tahay mid ay kaga gol-leeyihiin in lagu jabiyo sicirka lacagta Somaliga oo meel sare gaaray, ayna u hirgasho qadashada lacag Somaliga oo aan la kala soocayn.
Afhayeenka guddiga ay leeyihiin ganacsatada Gobolka Banaadir Cabbaas Maxamed Ducaale oo isaguna ka hadlay gabagabadii shirka ayaa sheegay in ciidamadooda ay amar ku sii yeen inay ka hortagaan lacagaha been abuurka ah ee la gelinayo Suuqyada Muqdisho, ayna qabtaan ruuxii lacagta Somaliga diida si sharciga loo horkeeno.
Gabagabadii kulanka ayay gacansatadu waxay aadeen xarumahooda ganacsi iyagoo furay, bilaabayna inay qaataan lacagta Somaliga oo aan la kala soocayn, waxaana tani ay fursad weyn u tahay dadka xoogsatada ah oo dhibaatada ugu badan ee diidmada lacagaha ay dushooda ku dhacaysay.
Diidmada lacagta Somaliga ee jexjeexan iyo kuwa gaboobay ayaa waxay mudaharadyo rabshado wata ka dhaliyeen caasimadda Somalia ee Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen dad 4-qof gaaraya ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.
Mudaharaadyo maalintii 2aad ka dhacay Muqdisho
Boqollaal qof oo careysan ayaa maalintii labaad isugu soo baxay suuqayada iyo waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, waxaana xiran gabi ahaan goobaha ganacsiga iyo suuqyada waaweyn.
Isku-soo-baxayaasha, ayaa waxay dhagaxtuurayaan gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ee furan si ay uga jawaabaan diidmada Shillinka Somaliga, waxaana dadku ay ku dhawaaqayaan erayo ku liddi ah ganacsatada Gobolka Banaadir.
 |
| Dadka mudaharaadaya oo lacgta shilin Somaliga kor u haya |
Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in saakay markuu waagu-baryay lagu arkay dadweyne badan gudaha Bakaaraha, kuwaasoo wata dhagaxaan, faasas, billaawayaal iyo sidoo kale baangado si ay dhac ugu geystaan goobaha ganacsiga haddii la furo.
Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaanay jirin wax gaadiidka dadweynaha ah oo ka shaqeynaya, waxaana kooxaha sameynaya mucdaaharaadyada ay ku qamaamayaan goobaha ganacsi ee furan.
Lacagta Shilling Somaliga ah ayaa wajiyada ugu xiran dadka sameynaya isku-soo-baxyada, waxayna noqonaysa maalintii 2 aad oo ay bananbaxayasha hakiyaan ganacsiga guud ee Gobolka Banaadir.
"Waxaan wadaynaa mudaaharadyada tan iyo inta la qadanayo lacagta Somaliga, mana aqbalayno in dhibatooyin dhanka cunnada ah ay noo geystaan ganacsatada" ayuu yiri oday ka mid ahaa dadka sameynayay maanta isku soo baxyada rabshadaha wata.
Guddiga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa waxay billaabeen inay arrintaan shir ka yeeshaan, iyagoo kulan xasasi ah oo uu shir-guddominayo gudomiyaha guddigaan C/kariin Maxamuud Gabeyre uu ka socdo gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.
Booliiska DF iyo mamulka Gobolka Banadir ayaa waxay isku dayeen mar kale maanta inay hakiyaan mudaaharaadyada maalintii socda kuwaasoo rabshado xooggan wata, waxaase dadka isku-soo-baxay ay jiireen booliiskii loogu talogalay inay socodkooda hakiyaan.
Rasas kala duwan ayaa dhacday, iyadoo khasaraha la sheegay ee ka dhashay mudaaharaadyada maanta ay gaarayaan laba qof oo dhaawac ah, kaasoo uu midi yahay wiil yar.
Diidmada Shilling Somaliga ayaa waxay soo jireen bilihii ugu dambeeyay iyadoo bannaabaxyo noocaan oo kale ay sameeyeen shacabka Muqdisho, waxaana ay ku eedeynayaan sicir-bararka iyo diidamada lacagaha ganacsatada Gobolka Banaadir.
Garowe Online, Muqdisho
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|